HADALKII RUTO KA YIRI WASHINGTON KENYA MAXAA KA RAACAY?
(SAWIR)-KA. MADAXWEYNE XASAN IYO RUTO.
(MUQDISHO)-Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Ugandha(Ruto iyo Museveni) ayaa 16-kii bishaan waxa ey ku kulmeen caasimadda dalka Kenya ee Nairobi,waxyaabihii ey ka hadleen ayaa waxa ka mid ahaay Ciidamadda Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee Atmis ee loo qorsheeyey iney Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sannadkan 2024-ka,labada masuul ayaa isla qaatay ineysan suurtagal ahayn in waqtigaan Ciidamadda Atmis isaga baxaan gebi ahaan dalka Soomaaliya,waxa eyna sheegeen in haddii ey taasi dhacdo in dalka Soomaaliya uu noqon doono sida dalka Afgaanistaan ka dib markii dalka Maraykanka uu ka soo baxsaday ciidamadiisa taladii dalkana ey la wareegeen kooxda Taalibaan ee dalka Afgaanistaan. Maalmo ka dib waxaa dalka Maraykanka booqasho ku yimid Madaxweynaha dalka Kenya Ruto,waxa uuna shir jaraa’id ka sheegay in ka bixitaanka ciidamadda Atmis ee dalka Soomaaliya leedahay khatar Amni oo Gobolka ah iyo in kooxda Alshabaab ey la wareegi doonto taladda dalka Soomaaliya. Arrintaan ayaa si fiican waxaa loogu falanqeyey Baraha Bulshadda sida Space Twitter-ka waxaane lagu qabtay kulano ey ka soo qeybgaleen dad u badan siyaasiyiin hore iyo masuuliyiin hadda xilal ka haayo DFS,waxaane la isa tusay in Kenya tahay dal ilaashanayo danihiisa ee aan fiirineyn danaha shacabka Soomaaliyeed ee u awood sheegtay Alshabaab kana saaray degaano fara badan weline sii raacdeysanaayo kooxda Alshabaab. Hadalka MW-Ruto ayaa waxaa si kooban uga jawaabay Wasrul Dawlaha Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xil.Cali Balcad waxa uuna sheegay in marxaladda Soomaaliya eysan la mid ahayn tan Afgaanistaan,dalka Soomaaliyana uusan geli doonin khatar haddii Atmis isaga baxaan. Dhinaca kale,isla hadalkii Ruto ka yiri Washington qeybo ka mid ah balse aan khuseyn Soomaaliya ayaa waxaa jawaab aan marnaba caadi ahayn ka bixiyey Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kenya lana yiraahdo Caleb Amisi,qoraalka Xildhibaanka ayaa u qornaay sidan”Ku magacaabista Kenya mid aan ahayn xulafadda NATO waxay si rasmi ah inooga dhigtay Xudunta dagaalka Caalamiga ah. Dalkynu hadda waxa uu noqday goob wakiil ka ah halganka awoodeed ee Juqaraafiyadda Siyaasadeed. Waxaa si joogta ah inagu garaacayo kooxo dhuleed abaabulan,waxaane si rasmi ah u dhaxalnay Cadawga Maraykanka,Maraykankuna waxa uu dalka Kenya ugu deeqi doonaa oo kaliya Cunto,Dawo iyo hub kale wixii ka dambeeyey xasuuqii dagaalka. Maraykanku wuxuu cadawgiisa kula dagaalami doonaa dhiiga Kenya ee kulama dagaalami doono dhiiga Maraykanka. Waxaynu noqon doonaa kuwa qalafsan sida Yukraym,Rabiyaw sidaan ku gaarnay halkaas. Waxaan ku eedeyanayaa Caqli xumadda Uhuru inuu xukunka u daayo gacma khaldan oo ey wehliyaan Guuto Xisbiga Azimio ah oo Jahwareersan,Kenya waxa ey u baahan tahay in la horumariyo”.
ISHA/SB-MEDIA.