MW-XASAN SHEEKH OO KA QEYBGELAAYO SHIRKA BANGIGA HORU…
(SAWIR)-KA.ASTAANKA AFDB.
(NAIROBI)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in kulanka sannadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika(AFDB)-2024-ka lagu qabanayo magaaladda Nairobi ee dalka Kenya inta u dhexeyso 27/5/24 ilaa 31/5/24-ka. Bangiga ayaa sheegay in kulanadda looga golleeyahay sidii loo dardar gelin lahaay Isbedelka Qaab Dhismeedka Afrika si loo gaaro Isbedel dhaqan dhaqaale oo deg deg ah. Kulanadda ayaa sidoo kale lagu falanqeyn doonaa muhimadda ey leedahay dib u habaynta Qaab Dhismeedka Maaliyadeed ee Caalamiga ah si uu u horseedo Isbedel Qaab Dhismeed iyo wax ka qabashada Bangiga ee Horumainta Dhaqan Dhaqaale ee Afrika ee 60-kii sano ee la soo dhaafay. Mawduuca shirkan ayaa ah Isbedelka Afrika ee Kooxda Bangiga Horumarinta Afrika(AFDB) iyo dib u habaynta Qaab dhismeedka Maaliyadeed ee Caalamiga ah. Wufuuda shirkaan ka qeybgeleyso ayaa gaareyso ilaa 3-kun eyna ka mid yihiin Madaxweyneyaa,Wasiiro,Gudoomiyeyaal bangiyadda Dhexe,Xubno ka socdo Horumarinta bulshada,Ganacsiga Gaarka loo leeyahay iyo qeybo kale ayaa la filaa iney ka soo qeybgalaan shirka. Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa shirkaan uga qeybgelaayo Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hogaaminaayo.
ISHA/SB-MEDIA.