ERITEREEYA OO DALKEEDA KA MAMNUUCDAY…

(SAWIRKA)-SHIRKADDA DIYAARADAH ETHIOPIA.

(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda dawladda Federaalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in Xukuumadda Itoobiya ey joojisay duulimaadyadii ey Shirkadda Diyaaradaha Itoobiye(ETHIOPIAN AIRLINES) ey ku tagto caasimadda Eritereeya ee Asmara. Hayadda Duulimaadka Rayidka ee dalka Eritereeya ee hoos tagta Wasaaradda Gaadiidka dalka Eritereeya ayaa dalka Eritereeya mamnuucday duulimaadyadda Shirkadda Diyaaradaha ee dalka Itoobiya,waxa warkaas lagu sheegay ka dib markii lagu soo daabacay Wargayska Dawladda Eritereeya ee Hadas. Sababaha keenay in shirkadda Diyaaradaha Itoobiya laga mamnuuco iney tagto Asmara ayaa lagu sheegay iney tahay Xadgudub abaabulan oo loo gaystay mawaadiniinta Eritereeya, Xatooyo Boorsooyinka,Waxyeeleyn,dib u dhacyo aad u dheer,Xoolo lumin aan magdhaw lahayn,Sicirka tikidhadda oo aan si la macnayn karin cirka loo gaarsiiyo iyo sharci darooyin kale.

ISHA/BBC.

SII AKHRI.

Previous
Previous

BILJAM OO XABSIGA DHIGTAY 7-QOF OO LOOGA..

Next
Next

BAASABOORKA SOOMAALIDDA OO LOO DIIDI RABO DAL KU GALKA..