BAASABOORKA SOOMAALIDDA OO LOO DIIDI RABO DAL KU GALKA..
(SAWIRKA)-EU-DA OO GO’AAN KA GAAREYSA.
(EU)-Gudiga Midawga Yurub ayaa soo jeediyey talaabooyin ka dhan ah dal ku galka Baasaboorka Soomaalida. Ujeedada talaabooyinkan ayaa ah in dalka Soomaaliya lagu riixo inuu iskaashi Midawga Yurub kala sameeyo soo celinta Mawaadiniintiisa. Goluhu waxa uu u baahan yahay inuu ansixiyo soo jeedinta ka hor inta aan la soo bandhigin fiisaha la siinaayo Soomaalida. Gudiga Midawga Yurub ayaa soo jeediyey in la adkeeyo tilaabooyinka dal ku galka Soomaalida. Soo jeedinta noocaan oo kala ah ayaa la soo bandhigay iyada oo la isku dayaayo in la xoojiyo wada shaqeynta dib u soo celinta ee dalka,ayuu qoray Wargayska Schengen.News. Qoraal rasmi ah oo uu Gudiga soo saaray ayaa lagu sheegay in dhawaan la soo jeedin doono Golaha Midawga Yurub oo ku saabsan talaabooyinka Soomaaliya laga qaadaayo ka dibne dalalka Xubnaha ka ah ey awood u yeelan doonaan iney go’aan ka gaaraan talaabooyinka la qaadaayo. Nuxurka ahaan,ujeedada talaabooyinka adag ee Fiisaha Soomaalida waa in lagu riixaa dalka inuu si wax ku ool ah isaga kaashado dib u soo celinta mawaadiniintisa si aan caadi ahayn ku gaaray Midawga Yurub welina ey ku sugan yihiin Midawga Yurub gudihiisa iyagoo aan haysan dukumintiyo sax ah.
ISHA/EU.