BILJAM OO XABSIGA DHIGTAY 7-QOF OO LOOGA..

(SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA BILJAM OO SOO QABTAY DAD LOOGA SHAKISAN YAHAY ARAGAGIXISO.

(BELGIUM)-Wararka laga helaayo dalka Biljam ayaa sheegaayo in maanta oo khamiis ah xabsiga loo taxaabay todobo qofood kuwaaso looga shakisan yahay iney diyaarinayeen weeraro Argagixiso,sida ey sheegtay Xeer Ilaalinta Guud ee dawladda Federaalka,iyadoo xustay in 14-weerar laga fuliyey dalka Biljam oo dhan. Xeer ilaalinta Guud bayaan ey soo saartay ayey ku sheegtay “dhammaan dad la qabtay waxaa lagu tuhunsan yahay iney ka qeyb qaateen dhaqdhqaaqyadda kooxaha Argagixisadda,maalgelint Argagixisadda iyo diyaarinta weeraro Argagixiso”. Afhayeenka u hadlay dacwad oogista Arnaud Dutremont ayaa u sheegay Wakaaladda France-Press “Ma hayno wax tafaasiil ah waqtigaan xaadirka ah goobaha ama bartilmaameedyadda,laakin waxa la helay ayaa nagu hogaaminaayo inaan rumaysano in la diyaarinaayey weerar”. Booliska dalka Biljam ayaa qaaday 14-weerar subaxnimadii maanta oo Khamiis ah gaar ahaan Gobolka Leige(Bari),Antwerp(Waqooyi),Ghenta,Saint-Josse,Korijk iyo Minn,ka dib codsi ka yimid Garsooraha la dagaalanka Argagixisadda ee Antwrep(Waqooyi),sida ey sheegtay Xeer ilaalinta Guud ee Dawladda Federaalka Biljam. Sannadkii 2016-kii,dalka Biljam waxaa lagu qaaday laba weerar oo ismiidaamin ah oo ka kala dhacay Garoonka diyaaradaha iyo shabakadda Metro,weeradaas ayaa waxaa ku dhintay 32-qofood waxaane ku dhaawacmay ilaa boqolaal kale,waxaane weeraradaasi fuliyey masuulne ka ahaay unugyo Argagixisa ah kuwaaso qaaday weerarkii dhacay 13/11/2015-kii gudaha dalka Faransiiska,waxaane ku dhintay dad gaaraayo ilaa 130-qofood. Bishii Oktoobar ee sannadkii 2023-kii,nin xagjir ah ayaa toogasho ku dilay laba mawaadin oo Iswiidhash ah oo u yimid iney taageeraan xulkooda cayaartii Biljamka wado ku taalo caasimadda Brussels. Kooxda Daacish/ISIS ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas,booliska ayaana toogtay ninkii weerarka gaystay maalin ka dib fa-dembiyeedka labada ah,kaaso loo aqoonsaday “Argagixiso”.

ISHA/AH.

Previous
Previous

MADAXWEYNE XASAN OO XAFIISKIISA KU QAABILAY…

Next
Next

ERITEREEYA OO DALKEEDA KA MAMNUUCDAY…