ECOWAS OO WEERAR KU AH…
(SAWIRKA)-BANAANBAX LAGU TAAGEERAAYO CIIDAMADA.
(KIGALI)-Bishii la soo dhaafay ee Luuliyo ayey ahayd markii uu dalka Niger ka dhacay afgembi aan dhiig ku daadan eyna talada dalka kula wareegeen ciidamadda,afgembigaan ayaa waxaa ka dhashay mucaaradad aad u weyn kagana timid dalalka Midawga Yurub,Maraykanka,Faransiiska oo gumaystay dalka Niger,laakinse hadda waxaa taagan arrin aad culus kuna wajahan ciidamadda afgembiyey Madaxweyne Maxamed Bazoum. Taliyeyaasha ciidamadda ee wadamadda Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa dejiyey qorshe suuragal ka dhigaayo in dalka Niger lagu sameeyo faragelin ciidan si dib xukunka dimuqaraadiga ah loogu soo celiyo xafiiska,sidaas waxaa shalay oo Jimca ahayd sheegay masuuliyiin sare kana tirsan ECOWAS. Ciidamadda afgembiyey Madaxweynihii la soo doortay ee dalka Niger Maxamed Bazoum ayaa waxaa loo qabtay muddo ey xukunka dib ugu soo celinayaan Madaxweyne Maxamed Bazoum waxaane hadda la dhaafay waqtigaas loo qabtay waxaane soo ifbaxday in wadamadda Afrikada Galbeed kuna midoobay ECOWAS daneynayaan iney qaadaan talaabo ciidan oo lidi ku ah ciidamadda sameeyey afgembiga.
ISHA/AA.