DUQEYN LAGU BURBURIYEY BUUNDADII AL-SHABAB U….

(ASWIRKA)-WAR SAXAAFADEEDKA NISA.

(MUQDISHO)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa shaacisay in la burburiyay buundo macmal ah oo kooxda AL-Shabaab ey ka sameysatay deegaanka Aw-baale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ey ka soo gudbin jireen gaadiidka iyo dagaalyahannada ey ku soo weeraraan Gobolka Shabeellaha Dhexe. “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamiga ah, ayaa howlgal duqayn ah oo ey ka fuliyeen tuulada Aw-baale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxay ku burburiyeen buundo macmal ah oo Khawaarijtu dhawaan halkaas ka dhistay,” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA kasoo baxay. Sidoo kale, NISA ayaa sheegtay in AL-Shabaab ey halkaasi ahayd marin muhiim ah oo ey u adeegsan jireen soo gudbinta Maleeshiyaadka iyo Horjoogayaasha isku dayayay iney carqaladeeyaan Amniga deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe. “Howlgalka oo sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal ayaa waxaa lagu dilay Horjoogeyaal iyo aleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo qorsheynayay iney buundada ka gudbaan, si ey garab u siiyaan maleeshiyaadka firxadka ah ee Ciidamada Qaranku ey baacsanayaan Gudaha HirShabeelle,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay NISA. Ciidamada NISA iyo Xoogga Dalka ayaa sidoo kale ku guuleystay iney xiraan dhammaan waddooyinka muhiimka ah ee kooxda AL-Shabaab ey ku baxsan lahayd, sida lagu sheegay Qoraalka. “Waxaa hadda go’doon ku jira Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal haraadi ah oo ku dhuumaaleysanaya dhulka hawdka ah ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,” ayaa lagu yiri Qoraalka. Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa AL-Shabaab ayaa kooxda lagu gaarsiiyay jab xoog leh, waxaana Ciidamada Qaranku ey weli sii wadaan howlgallada ka dhanka ah kooxda. Hoggaamiye Ku-Xigeenkii kooxda AL-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, Yuusuf Dhegnaas, ayaa xalay lagu dilay duqayn sidan oo kale ah oo ka dhacday aagga degmada Ruun-Nirgood ee Gobolkaasi.

ISHA-CO.

Previous
Previous

WAA KUMA HORJOOGAHA DAGAALGELINTA ALSHABAAB?

Next
Next

SARKAAL SARE OO LAGA DILAY ALSHABAAB.