SARKAAL SARE OO LAGA DILAY ALSHABAAB.
(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA ALSHABAB EE G/SHABEELADDA DHEXE KABA KU DUKADE.
(H/SHABELLE)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn dhanka cirka ah oo ey iska kaashadeen saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya ey ku dileen 20 ka tirsan dagaalyahannada AL-Shabaab, sida lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay dowladda. Duqaynta ayaa ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay uu ka socday dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda, ciidamada deegaanka ee Macawisley iyo kooxda AL-Shabaab. Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Abuukar Maxamed Xasan, dadka duqaynta lagu dilay waxaa ka mid ahaa Saraakiil Sare oo ka tirsan kooxda iyo dagaalyahanno la socday, iyadoo uu ka mid ahaa Hoggaamiye Sare oo lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas. War-Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in howlgalka cirka uu bartilmaameedsaday gawaari ey kooxdu lahayd. “Sidoo kale waxaa lagu burburiyay dhowr baabuur oo kuwa dagaalka ah oo ey isticmaalayeen maleeshiyaadka weerarka qaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka. Madaxweynaha Jmahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Madaxtooyada JFS ee Muqdisho taaso lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka ayaa mar kale ku celiyay baaqiisa ah in dadka Soomaaliyeed ey u midoobaan la-dagaallanka kooxda AL-Shabaab, isagoo sidoo kale soo hadal qaaday Amniga magaalada Muqdisho.“Nimankaan haddaan shalay ku khaldannay iney dalka yimaadaan oo si uun dadka u sireen, maanta waa la bartay, waa la yaqaannaa, waa la fahmay, nama siri karaan, dalkana ma qabsan karaan, sifo ey ku qabsadaan uma yaallo dalku,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in magaalada Muqdisho ey yool muhiim ah u tahay kooxda Al-Shabaab. “Magaalada Muqdishaa ayaan ku nool nahay, Madaxaa laga dilaa Shabaab; magaaladan ayaa yool u ah iney qaribaan, magaaladana waad garanaysaa sidey hadda tahay waxbaa weli u sii dhiman, wayna isku dayi doonaan, si joogto ah ayey haddaba isugu dayaan, way kari waayeen,” ayuu intaas raaciyay. Hadalka Madaxweyne Xasan ayaa yimid iyadoo Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ey dhawaan markii labaad toddobaad gudihiis soo saartay digniin ey ku socodsiinayso muwaadiniinteeda oo ey uga digayso iney u Safraan Soomaaliya. “Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho waxay heshay warar la isku hallayn karo oo la xiriira weeraro suurtagal ah oo lagu qaado bartilmaameedyo kala duwan oo Soomaaliya ku yaalla, oo uu ka mid yahay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde. Dhamaan dhaq-dhaqaaqyada shaqaalaha Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa la joojiyay ilaa ogeysiin dambe,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda.
Waa kuma Yuusuf Dhegnaas?
Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Laba Xiddigle Abuukar Maxamed Xasan, Yuusuf Dhegnaas ayaa lagu dilay duqayn dhanka cirka ah oo ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan AL-Shabaab oo la socday. Abuukar ayaa sheegay in ninkan uu muddo tobaneeyo sano ah ka tirsanaa kooxda AL-Shabaab, isagoo qabtay mas’uuliyado kala duwan. Afhayeenku wuxuu intaas raaciyay in Dhegnaas uu Madax ka ahaa “Qeybta Sakawaadka ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,” sidoo kalena uu Madax ka soo noqday deegaannada Cad-cadey iyo Caddaan-laxey. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu mar soo noqday mas’uulka Qeybta dacwada ee isla Gobolkaas.“Xubin sare oo dadka dhibaateeya ayuu ahaa; shanta kale ee la dhimatay niman sar sare ayay ahaayeen laakiin isaga ayaa ahaa bartilmaameedka ugu weyn,” ayuu yiri Abuukar. Afhayeen Abuukar ayaa sheegay in markii hore kooxda isku dayday iney dhaawacyada la baxsato balse duqayn kale lagu eegtay degmada Galcad. Ugu dambeyntii, afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in howlgallada ka socda Gobolka Shabeellaha Dhexe ey weli sii socdaan. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu sheegay iney bartilmaameedsadeen kooxda AL-Shabaab.