WAA KUMA HORJOOGAHA DAGAALGELINTA ALSHABAAB?

(SAWIRKA)DAGAALAMYAASHA ALSHABAAB.

(MUQDISHO)-Sida aan la wada socono dalka Soomaaliya waxaa maalmihii la soo dhaafay ka jiray dagaal Xoogan oo u dhexeeyo Ciidamadda Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo kooxda AL-shabaab,dagaalkan ayaa intiisa badan waxa uu ka socday Gobolka Shabeeladda dhexe ee hoostaga Dawlad Goboleedka H/shabeele,hadaba dagaalkan oo laga soo abaabulay meel banaanka ka ah H/shabeele ayaa hadda waxaa soo baxaya warar sheegaayo inuu abaabulkeeda leeyahay nin ey isku heyb yihiin Hogaamiyihii ALshabaab ee la dilay Axmed Godane kaaso magaciisa lagu sheegay in la yiraahdo GUULEED ILKA CASE. Si aan waxa badan uga ogaano Hogaamiyahan soo abaabulay dagaalka ka dhanka ah H/shabeele ayaa halkan waxa aan idinkula wadaageynaa Qoraal uu Bartiisa Facebook soo dhigay maanta oo Axad ah(9/3/2025)-ka Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir Md.Cali cabdi Wardheer loona garan ogyahay Cal-Yare Cali, Qoraalkiisa ayuu Cinwaan uga dhigay: “WAA KUMA MUJRIMKA DAGAALKA KHAWAARIJTA HOGGAAMINAYA”? Dagaalka Khawaarijta ee ka holcaya Gobollada Koonfureed waxaa hadda Hoggaanka dagaalka u haya Guuleed Ismaciil oo kooxda dhexdeeda loogu yeero magacyo badan oo ey ka mid yihiin Guuleed Ilkacase, Bashiir Furqaan iyo Guuleed Samatar, kana soo jeeda Qabiilka Isaaq/Jufada Arab/Lafta Cabdale Arab. Mujrim Guuleed Ilkacase wuxuu Khawaarijta ku soo biiray billoowgii Hogaankii Mujribkii Baqtiyay ee Ahmed Godane ahaa oo ey isku jufo hoose wadaageen. Mujrim Guuleed Ilkacase Intii uu Godane joogay wuxuu siiyay awood badan wuxuuna ka mid ahaa raggii uu u diyaarinaayay baddelkiisa, Mujrim Guuleed Ilkacase wuxuu soo qabtay xilal kala duwan oo uu ka mid yahay Madixii Jabhadaha Gobolka Gedo halkaas oo uu dad badan oo rayid ah una dhashay Beesha Mareexaan iyo Raxanweyn kusoo laayey Gobolkaas isaga oo reer Gedoodka ula baxay magaca Haraadigii Gaalada Faqashta. Inta uu xilkaas hayey Waxaa dhacay Weerarkii Ceel-cade oo uu qayb wayn ku lahaa. Sidoo kale, Mujrim Guuleed Ilkacase, wuxuu ahaa wakiilkii gaarka ahaa ee Godane u qaabilsanaa Somaliland iyo Puntland, isagoo wakhtigaas Putland ka aas-aasay Jabhada ka dagaalanta Buuraha Galgala iyo Buuraha Golis. Mujrim Guuleed Ilkacase, marar badan ayuu isku dayey inuu qabsado Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari intii uu Buuraha Galgala iyo Golis joogay. Waxaa cajiib aheyd in isaga iyo Mujrim Godane ey diideen in Jabhad laga Aas-aaso Somaliland halkaas oo ey ku sheegeen iney joogaan dad islaamnimadooda xooggan tahay. Dhawr Bilood ka hor ayaa Guuleed Ilkacase loo Magacaabay Madaxa Guud ee Maleeshiyaadka Khawaarijta (Wasiirka dagaalka) oo ey ugu yeeraan Jabhadaha, waxaana xilkaas laga qaaday Horjooge dadkiis-dile ahaa oo lagu Magacaabo Yaasiir Jiis oo ahaa walaalka Agaasimihii shaqada laga ceyriyay ee NISA Mahad Mohamed Salaad, sababna u ahaa shaqo-ka-ceyrinta maadaama dhammaan weeraradii uu Yasir Jiis ku qaaday 17-Xero ee ciidanka xoogga dalku lahaa aanu hal marna agaasimihii NISA aanu ciidanka la wadaagin weerarada ku soo wajahan taas oo ugu danbeyn uu Mareykanku January 2024 dhammaan caddeeymahooda, oo ahaa Qoraallo iyo codad ey WhatsApp-ka iyo aalladda Signal isku dhaafsadeen. Dhanka kale Xilka-qaadista Mujrim Yaasir Jiis ayaa iyadana sababsatay ka dib weerarkii Talaado, 22 July 2024 Hoggaaminayay ee ka dhacay Buulo Xaaji oo Jubbada hoose ah, halkaas oo Khawaarijta looga dilay in ka badan boqol Mujrim. Mujrim Guuleed Ilkacase, markii uu xilka la wareegay wuxuu billaabay qorshe guracan oo uu ku doonaayo inuu kula wareego caasimadda Muqdisho kadibna u tallaabo Puntland iyo Khaatumo, isagoo Maleeshiyaadkoodii oo dhan iskugu geeyey Gobolka Shabeelaha dhexe Iyo Hiiraan si ey waddo u furtaan. Mujrim, Guuleed Ilkacase ayaa ku dadaalaya inuu ka rumeeyo yoolkii uu Ina Aderkiis Mujrim Godane uu ku taami jiray, kaasoo oo ahaa inuu mar uun la wareego Magaalada Muqdishu uuna u taliyo reer Koonfureed. Kooxda dhexdeeda wuxuu uga tilmaaman yahay, manexe aan jeeyshka jabhada u ogolaan nasiino oo si masuulyad darro leh dabka ugu shubo Maleeshiyaadka, dhagna aan jalaq u siin dhaawacooda iyo dhimashadooda.

Labada Su'aalood oo iswaydiinta mudan ayaa ah:

1. Sida aan cimri ugu soo gaarnay inaan aragno nim Isaaq ah oo Abgaal 2025 ku musliminaya Ceel-Baraf, Ceel Axmed, Alkowthar, Laba-Garas, Ruun-nirgood iyo Masagawaay. (Taariikh ahaan ma jiro qof 5 sano gaaray oo beesha Abgaal ah oo aan xaafid Qur'aan aheyn).

2. Iyo Sida ey shacabka reer Koonfureed iyo Reer Waqooyi qaarna gaalo dhiiggoodu bannaan yahay ku noqdeen, qaarka kalana islaam qaalis ah?

GUNAANAD: Mujrim Godane waxaa Koowdii September 2014 la dilay Xasan Sheekh oo madaxweyne ah iyo Sanbaloolshe oo Sirdoonka maamula Dhagarqabe Guuleed Ilkacase isaga isla gacantooda ayuu ku bixi doonaa idanka alle.

ISHA-CALI YARE CALI.

Previous
Previous

XILDHIBAAN SOOMAALI AH OO LA AFDUUBAY LIX BIL KA HOR OO LA HELAY ISAGOO…

Next
Next

DUQEYN LAGU BURBURIYEY BUUNDADII AL-SHABAB U….