DIYAARAD IRAAN LEEDAHAY OO LAGU…
DIYARADA LAGU DHEGAN YAHAY.
(ARGENTINA)-Xukuumadaha Argentin iyo Baragway ayaa isku dayaayo ineey ifiyaan diyaarad nuuceedu yahay Jumbo Jet ahne Cargo laguna qabtay magaaladda Buenes Airs laba todobaad ka hor,diyaradaan ayaa waxa la socday shaqaale u kala dhashay dalalka Iraan iyo Venezuela. Garsooyaasha ka kala socday labada dal ee koonfurta Ameerika ayaa ku dhaqaaqay ineey sameeyaan baaritaan si eey u ogaadaan shaqaalaha diyaaradda kana kooban 14-qofoo oo u dhalatay dalka Venezuela iyo 5-qofood oo u dhalatay dalka Iraan ineey yihiin kuwa xiriir la leh argagixisada caalamiga ah iyo ineey samaynayaan dhaqdhaqaaq aan sharci ahayn. Cecilia Incardona oo hogaaminaysay garsoorayaasha ka socday dalka Argentina ayaa sheegtay ineey baaritaankeeda diiradda ku saari doonto duuliyaha diyaaradda oo u dhashay dalka Iraan lana yiraahdo Gholamreza Ghasemi iyo ineey suuragal tahay inuu isaga xiriir la leeyahay argagixisada caalamiga ah.
ISHA WARAKA AP.