DILAL KA KALA DHACAY DH/MAREEB IYO MATABAAN.
(SAWIRKA)-TALIYAHA SALDHIGA BOOLISKA DH/MAREEB NUUR CILMI HOOSAGALE.
(DH/MAREEB)- WAR DEG DEG AH: War aan ka helnay caasimadda G/mudug waqti dhaw ayaa sheegaayo in dilkii loo gaystay labadii nin ee Ganacsatada ahayd gudaha degmada Dh/mareeb uusan ahayn mid la xiriiro Aano Qabill oo maalmahaan ka taagneed degaano hoostaha G/galgaduud,raga la dilay oo Dh/mareeb ka ahaay Ganacsato caan ah ayaa sidoo kale waxa ey ka soo jeedaan degmada Cadaado ee G/Galgaduud. Degmada Matabaan ayaa ayadana waxaa laga soo sheegayaa in ayadana halkaasi lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan lamana yaqaano ilaa hadda sabbata keentay in dadkaas shacabka ah lala beegsado dilka,hadda ka hor degmada Matabaan waxaa dil siyaasadeysan ka gaystay sida la sheegay rag hubaysan oo watay gaari Cabdi-Bile ah uu iska leeyahay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasadda G/banaadir Cali-yare Cali ragii gaystay dilka iyo gaarigii ey isticmaaleen ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamadda amanaaka ee G/mudug hadane waa maxkamad sugayaal. Taliyaha saldhiga booliska ee Dh/mareenb Dhamme Nuur Cilmi Hoosagale ayaa BBC-da laanteed Afka Soomaaliga u sheegay in dilka ka dhacay bartamaha Dh/mareeb uusan ahayn mid lala xiriirin karo Aano Qabiil basle uu yahay mid khalkhal lagu gelinaayo Amniga caasimadda G/mudug ayuu yiri taliye Nuur. Qoraal hadda ka soo baxay Rugta Ganacsiga ee Dhuusamareeb ayaa lagu sheegay in Berri oo Arbaca ah kuna beegan(1/11/23)-ka ey wada xiran yihiin dhammaan goobaha Ganacsi ee degmada Dh/mareeb ee G/galgaduud,waxa uuna Gudiga Gamacsatada dalbaday in cadaaladda la horkeeno cidii falkaasi ka dambaysay,Gudiga ayaa Tacsi tiiraanyo xambaarsan u diray Qoysaski iyo Eheladii ey ka bexeen labadii Ganacsade ey dishay gacan ka xaq daran galabnimadii maanta oo Talaada ahayd(31/10/23)-ka.
ISHA/SB-MEDIA.