LABA QOF OO LAGU DILAY DH/MAREEB.

(SAWIRKA)-DHUUSAMAREEB.

(Dh/MAREEB)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dawlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa sheegaayo in halkaasi ey ka jirto xiisad colaadeed una dhexeysolaba laba beelood oo walaala ah(Ceyr iyo Saleebaan),xiisadaan ayaa ah mid soo jireen balse dadkii galay eysan ka gaarin xal kama dambaysa ah oo lagu kala badbaadinaayo nafta laba beelood ee walaalaha ah ee wada dega degaanka. Dhinaca kale,waxaa jiro gacan seddexaad oo arrimahaan ka shaqeynayo taaso ku daaban kooxaha argagixisada ee Alshabaab,tusaale ahaan Gobolka shabeeladda dhexe waxaa bilihii la soo dhaafay loo fadhiyey in xal laga gaaro dagaalo ku soo laalaabtay degaanada u dhexeeyo Cadale iyo Jawhar waxa eyna dantu qasabtay in beelihii dagaalamay la kala dhex dhigo ciidamo ey dirtay Dwaladda Federaalka Soomaaliya,sidoo kale dagaalka u dhexeeyo beelaha Ceyr iyo Saleebaan waxa uu u baahan yahay in la kala dhex dhigo ciidamadda Dawladda Federaalka Soomaaliya. Dilka maanta ka dhacay Dhuusamareeb ayaa lagu dilay laba qofood lana kala yiraahdo Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahlii,dilkane waxaa gaystay maleeshiyaad hubaysan.

ISHA/CAASIMADDA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

DILAL KA KALA DHACAY DH/MAREEB IYO MATABAAN.

Next
Next

SIRDOONKA SOMALILAND OO SOO QABTAY…