DHAQAALE XUMI SOO WAJAHDAY XAFIISKA…

(SAWIRKA)-QAXOOTIGA UGANDHA.

(KAMPALA)-Heerka dhaqaale u urrinta qaxootiga ku sugan dalka Ugandha waa mid sii yaraaneyso,waxaane dalka Ugandha isaga tegay dad fara badan oo qaxooti ah kuwaaso waayey waxyaabihii asaasiga ahaay ey u baahnaayeen eyna ka mid yihiin caafimaadka iyo waxbarashada,sidaas waxaa maalintii shalay oo Arbaca ahayd sheegay saraakiil ka tirsan hayadda Qaramada Midoobe. Mathew Crentsil oo ah madaxa xafiiska Qaramada Midoobe u qaabisan Qaxootiga(UNHCR) ee dalka Ugandha oo ka qeybgalay shirarkii IGAD Iyo EAC ayaa tilmaamay iney adag tahay xal u helidda dhaqaale ee qaxootiga ku sugan dalka Ugandha,waxaane la helay ayuu yiri Mathew 13% dhaqaalihii loo baahnaay. Mathew ayaa sheegay in afartii bilood ee ugu horeysay sannadkaan 2023-ka in xafiiskiisa ey soo gaartay dhaqaale dhan 113-milyan oo doolar kaliyah loona baahnaay dhaqaale dhan 846-milyan oo doolar,farqigane waxa uu noqonayaa 733-milyan oo doolar.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

PUNTLAND: SIYASIYIIN WAR SOO SAARAY.

Next
Next

DOONI KU QALINATAY BADDA GIRIIGA.