DFS OO SOO SAARATAY WARBIXIN KU SAABSAN DAGAALKA…
(SAWRKA)-DA’UD AWEYS WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA.
(MUQDISHO)-Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa maanta oo Sabti ah soo saartay warbixin ku saabsan dagaalka Alshabaab sannad ka dib maxaa ka qabsoomay? Warbixintan oo aad looga soo shaqeeyey loona soo xardhay ayaa laga dheehan karaa waxqabadka muuqda ey sameeysay DFS mudadii ey jirtay,in la sheego ma aha mid sameyneysa micno balse waxaa micno weyn ah in dadku arkaan waxqabadka muuqdo ee aan la qarin karin warbixinta ayaa loo kala saaray dhawr qeybood oo kala gedisan sida(1)-Dagaalka Tooska ah ee lala galay kooxda Alshabaab waxaane loo kala qaaday: (a)-La Dilay,waxaa la dilay ku dhawaad 2-kun horjoogayaal iyo maleeshiyaad khawaarij ah. (b)-La Xoreeyey,waxaa la xoreeyey in ka badan 120-degaan iyo magaalooyin isugu jira. (c)-La Burburiyey,waxaa la burburiyey 73-saldhig oo ey khawaarijtu lahaayeen iyo 68-shabakadood. (2)-Dagaalka Dhaqaalaha ee lala galay kooxda Alshabaab ayaa loo kala qaaday: (a)-Shirkado,gudiyo iyo kooxo Ganacsato ah oo xiriir la lahaay Khawaarijta. (b)-La Xayiray,waxaa kooxda Alshabaab laga xayiray $120-milyan oo doolarka Maraykanka ah oo u socotay khawaarijta oo la xayiray, (c)-Xisaabaha La xiray,waxaa kooxda Alshabaab laga xiray 350-Akoon Bank,405-telefoon nambar iyo 18-Ganacsi ey leeyihiin. (3)-Dagaalka Warbaahinta ee lala galay kooxda Alshabaab ayaa loo kala qaaday: (a)-La burburiyey,waxaa kooxda Alshabaab laga burburiyey 4-Idaacadood,12-Website iyo 14,789 dhammaan nuucyada baraha bulshada isugu jira.
ISHA/SHABELLE NEWS.