SHEEKH SI ADAG UGA HADLAY DAGAALKA CADALE.
(SAWIRKA)-BAAQA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DFS.
(MUQDISHO)-Waxaa meel xun gaaray dagaalka u dhexeeyo beelo walaala ah oo wada dego Gobolka Sh/dhexe,dagaalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay degaan u dhexeeyo Cadale iyo Raage Ceele,dagaalkan ayaa waxaa ka hadlay dad fara badan oo ka soo jeedo degaankaas ayaa u istaagay sidii xal waara looga gaaro arrintaan soo laalabatay,hadaba waxaa maanta oo Sabti ah arrintaan si xoogan uga hadlay Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif kana mid ah culimada ugu caansan culimada Soomaaliyeed gaar ahaan Culimada G/Banaadir,Sheekha ayaa soo saaray baaq ku wajahan dadka dagaalamay iyo DFS. Wasaaradda Arrimaha Gudaha dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ayadana dhinaceed soo saartay Baaq arrintaan ku wajahan.
ISHA/CAASIMADDA.