DEGMADA JILIB OO LAGU DILAY HORJOOGE SARE.

(SAWIRKA)-CIIDAMADDA XOOGA DALKA SOOMAALIYEED.

(JILIB)-Wararka ka imaanaayo magaaladda Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe ayaa sheegaayo in halkaasi lagu dilay Horjooge kooxda Alshabaab u qaabilsanaay Abaabulka dagaaladda laguna magacaabo Khaliif Da’uud,weerar dhinaca cirka ah ee lagu dilay Horjoogaha ayaa waxa uu dhacay bishaan todob iyo tobankeedii waxaane si wada jir ah u fuliyey ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo saaxibadda caalamka,sidaan waxaa Radiyaha Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay Taliyaha Ciidamadda Xooga Dalka Soomliyeed General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddaw. Horjoogaha lagu khaarijiyey weerarkii ka dhacay Jilib Khaliif Da’uud ayaa lahaay magac afgarasho oo looga dhex yaqiin kooxda Alshabaab waxa uuna magacaasi ahaay Macallim Eyman,Horjoogahaan ayaa sida la sheegay waxa uu qeyb ka ahaay weeraro ka kala dhacay gudaha dalka Kenya iyo qeybo ka mida dhulka Maamulka JubaLand.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

MARKAB LAGU LA’AYAHAY XEEBAHA SOOMAALIYA.

Next
Next

MW-XASAN OO KHAMIISTA LA KULMI DOONO…