MARKAB LAGU LA’AYAHAY XEEBAHA SOOMAALIYA.
(SAWIRKA)-MV REUN.
(SOMALIA)-Wararka laga helaayo dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Xeebaha Soomaaliya ey dib uga soo cusboonaadeen kooxaha burcad badeeda kuwaaso dhibaatooyin ba’an hadda ka gaysta xeebaha Soomaaliya iyo Yeman,hadaba Markab Ganacsi oo laga leeyahay dalka Malta ayaa todobaadkii hore waxaa lagu afduubay Badda Carabta,Markabkaan ayaa waxaa la scday shaqaale gaaraayo ilaa 18-qofood kuwaaso hadda ku sugan Xeebaha dalka Soomaaliya,sidaas waxaa sheegay ciidamadda Amanaanka ee Midawga Yurub,waxaane isbitaal loola cararay mid ka mida shaqaalaha la socday Markabka la afduubay. Markabka la afduubay oo ah mid ganacsi lanan yiraahdo Reun ayaa weli waxa uu ku jiraa gacanta kooxdii afduubtay kuwaaso ilaa hadda aan la qoon cida ey yihiin iyo waxa ey dalbanayaan,sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ey soo saareen ciidmadda badda ee Midawga Yurub kana hawlgala badda u dhaw xeebaha Soomaaliya iyo Yeman. Midawga Yurub ayaan faahfaahin rasmi waxa uusan ka bixin xaaladda uu ku sugan mid ka mida shaqaalihii markab la socday kaaso caafimaad dari awadeed looga soo dejiyey Markabka maalintii shalay oo Isniin ahayd. Diyaaradaha dalka Hindiya oo ilaalo ka ah badda ayaa aragtay Markabkii Ganacsi ee la afduubay maalintii Khamiista ee ina soo dhaaftay waxay khadka isgaarsiinta xiriir kula sameeyeen shaqaalihii Markabka saarnaay kuwaaso isku xiray qol amaan ah laakinse ragii afduubay Markabka ayaa jebiyey qolkii ey ku jireen shaqaalihii waxa eyna banaanka keeneen shaqaalihii,sidaas waxaa sheegay ciidamadda Midawga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya.
ISHA/AP.