DANJIR GELLE OO LA KULMAY MW-MENFI IYO RW-DBEIBAH.

(SAWIR)-KA.DANJIRE GELLE IYO RW-DBEIBAH.

(TRIPOLI)-Reysal Wasaaraha dalka Libiya Md.C/xamiid Dbeibah ayaa warqad Qoraal oo ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud ka gudoomay la taliyaha MW-Xasan Sheeh Danjire Daahir Maxamuud Gelle,sida uu maata uu sheegay Xafiiska RW-C/xamiid Dbeibah. RW-Dbeibah ayaa maanta oo Talaada ah waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay la taliyaha MW-Xasan Danjire Daahir Gelle. Wafdiga ka socday Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Libiya u yimid sidii dib u eegis loogu sameyn lahaay xiriir labada dal ee saaxibadda soo ahaay muddo aad u dheer,labada dhinac ayaa kulankii maanta muujiyey sida ey lama huraanka u tahay midnimadda Qaranka Soomaaliya iyo sii xoojinta xiriirka Diblomaasiyadeed ee hakad galay ka dib markii uu burbur ku yimid xukuumadihii labadda dal ee Sooaaliya iyo Libiya.

ISHA LO.

Previous
Previous

RW-XAMSE CABDI BARRE OO NAIROBI KULA KULMAY…

Next
Next

107-MUHAAJIR OO LAGA SII GACANTA MAGEFAHA LIIBIYA.