107-MUHAAJIR OO LAGA SII GACANTA MAGEFAHA LIIBIYA.
(SAWIR)-KA.DADKII U AFDUUBNAAY MAGEFAHA LIIBIYA.
(TRIPOLI)-Wararka ka imaanaayo dalka Libiya ayaa sheegaayo in ugu yaraan 107-tahriibayaal ah oo ey ku jiraan caruur iyo haween laga sii daayey afduub,sida ey sheegeen masuuliyiinta dalka Libiya. Muhaajiriinta ayaa ku xirbnaay muddo dhan todobo bilood dhan dhismo ku yaalo magaaladda Kufra’a ayaa la sii wadaa daayey sida uu wakaaladda Reuters ugu waramay afhayeen u hadlay Waaxda Dembi baarista dalka Libiya(CID),Walid AL-Curaarafi,muhaajiriinta la soo daayey ayaa ah kuwa ku haminaayey iney safar ku tagaan Qaaradda Yurub. “Waxaan xalay weerar ku qaadnay goob ey ku dhuumaaleysanayeen oo ku taallo bartamaha magaaladda Kufra’a,waxaane ka helnay tahriibayaal ey ku jiraan haween,Caruur iyo rag da’a ah,qaarkood waxaa ka muuqday calaamado muujinaayo in la jirdilay iyo rasaas”,ayuu yiri AL-Curaafi,qaar fara badan oo ka mid ah Tahriibayasha ayaa waxa ey ka soo jeedaan dalka Soomaaliya. AL-Curaafi ayaa sheegay in Muhaajiriinta sharci darada ah dhammaantood lagu wareejiyey Hayadda socdaalka si ey dhammaystirto hawlaheeda kaga aadan Muhaajiriinta.
ISHA/INFO MIGRANTS.