RW-XAMSE CABDI BARRE OO NAIROBI KULA KULMAY…

(SAWIR)-KA.RW-XAMSE IYO GANACSATADA SOOMAALIYEED EE KENYA.

(NAIROBI)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa sheegaayo in Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamse Cabdi Barre uu kulan la qaatay Ganacsatada Soomaaliyee ee dalka Kenya,waxa uuna kala hadlay iney kaalintooda ka qaataan dib u dhiska iyo horumarinta dalka Hooyo. RW-Xamse Cabdi Barre ayaa uga warbixiyey Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya xaaladda siyaasadeed ee dalka,fursadaha jira,caqabadaha ku gadaaman dawlad dhisidda iyo dadaaladda Xukuumadda DanQaran ee ku saleysan taabo gelinta hanaanka dawladnimada Soomaaliya. RW-Xamasa ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay iney doorkooda ka qaataan xoojinta maalgashiga gudaha dalka iyo hirgelinta barnaamijyo shaqo abuur u noqon kara dhallinyarada Soomaaliyeed,RW-Xamse ayaa uga mahadceliyey Ganacsatada dadaaladooda la xiriira adkaynta dawladnimadda iyo gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ey saameeyeen dhibaatooyinka dalka ka dhacay. RW-Xamse Cabdi Barre ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya ugu baaqay iney maalgashi ku sameeyaan gudaha dalkooda taaso abuuri karta fursado shaqo,maalgashiga dalka gudihiisa ayuu sheegay RW-Xamsa inuu faa’iido u yahay xubinimada Soomaaliya ee Suuqa Wadamadda Bariga Afrika ee EAC-da. Ganacsatada ayaa dhankooda la wadaagay RW-Xamsa talooyin ku aadan dawlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka iyagoo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee ey xaqiijisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya muddada labada sano ah ey shaqeyneysay.

ISHA/SNTV.

Previous
Previous

SOOMAALIYA MA U TANAASULI DOONTAA KENYA?

Next
Next

DANJIR GELLE OO LA KULMAY MW-MENFI IYO RW-DBEIBAH.