DALKA IRAN OO U YEERAY SAFIIRKA DENMARK.

(SAWIRKA)-KITAABKA QURAANKA KARIIMKA AH.

(ANKARA)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa dalalka ka mida wadamadda Scandinavian-ka sida Denmark iyo Sweden ka jiray xiisad ku saabsan Gubida Kitaabka Quraanka Kariimka ah,labadaan dal ayaa dhawaan lagu gubay Kitaabka Quraanka Kariimka waxaane gubay kuwa xagjir ah, hadaba shalay oo Sabti ahayd ayey xukuumadda Iraan waxa ey u yeertay safiirka dalka Denmark u fadhiyo caasimadda Tehran si wax looga weydiiyo arrin ku saabsan gubitaanka Kitaabka Quraanka kariimka ah ee ka dhacday gudaha caasimadda Denmark ee Copenhagen,sidaas waxa laga soo xigtay warbaahinta gudaha ee dalka Iran maanta oo Axad ah(23/7/23)-ka. Wasaaradda Arrimaha dibadda dalka Iran ayaa u yeertay Jesper Vahr waxa eyna gaarsiisay sida Iran uga xun tahay ugana soo horjeedo in la karaama tiro Kitaabka Quraanka Kariimka ah gudaha caasimadda Denmark ee Copenhagen. Saraakiisha Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa carabka ku adkeyey in ficilka lagu gubay Kitaabka Quraanka Kariimka ah yahay”Midaan marnaba loo heleyn wax cudurdaar ah,mana noqoto cudurdaar waa xuriyatul qawl”.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKJRISO.

Previous
Previous

IRAAN IYO AFGAANISTAAN OO ISKU HAYSTA…

Next
Next

WIIL SOMALI AH OO KA HADLAY DHIBATADA GIRIIGA KA JIRTA.