DAGAALKA LAASCAANOOD OO GALAY TODOBAADKIISII…
(LAASCAANOOD)-Dagaalka ka socdo degmada Laascaanood ee Gobolka Sool maamulka Soomaliland ayaa waxa uu soo bilawday Sabti-4/2/23-ka waxa uuna hadda galay todobaadkiisii seddexaad,dagaalkan ayaa ka bilawday dilal fara badan oo ka dhacay gudaha Degmada Laascaanood waxaane dilalkaas loo gaystay dad waxgal u ah dadka degaanka,dilkii ugu dambeeyey uuna ka bilawday dagaalka ayaa waxaa loo gaystay nin la dhihi jiray AUN-C/fataax Hadraawi waxaane C/fataax la dilay dabayaaqadii bishii Diseembar-2022-kii,dilka C/fataax ayaa waxaa gaystay dad aan la aqoon haybtooda ilaa hadda. Taliyaha ciidamadda Mileteriga Soomaaliland S/Gaas.Nuux Ismaaciil Taani oo la hadlay warbaahinta ka hawlgasha Somaliland ayaa maanta oo Sabti ah 18/2/23-ka sheegay in dagaalka Degmada Laascaanood uu yahay mid ey kula dagaalamayaan kooxda Alshabaab iyo PSF-ta maamulka Puntland,taliyaha ayaa soo hadal qaaday ineey jiraan dagaalyahano ka soo firxaday dagaaladda ka socdo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kuwaaso ka tirsan kooxda Alshabaab. Mar uu taliyaha ka hadlaayey dhinaca amniga mandiqada Geeska Afrika ayuu sheegay in khatarta ka jirto degmada Laascaanood tahay mid halis ku ah amniga guud ee Gobolka Bariga Afrika gaar ahaan amniga dalalka S/land,Jabuuti iyo Itoobiya. Dagaalka Laascaanood ka socdo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan inta uu socday,waxaane ka dhashay barakac baahsan waxane magaaladda Laascaanood isaga cararay dad garayo ilaa 200-kun qofood kuwaso intooda badan u baxsadeen dhulka Dawlad Degaanka Soomaaliyeed ee( DDS)-ta.
ISHA WARKA SBMEDIA.