BJFS OO ANSIXIYEY HINDISO SHARCIYEED.
(MUQDISHO)-Todobaadkii BJFS uma eysan suurtagelin inuu si caadi ah u fadhiiso kana doodo hidiso sharciyeedyada horyaalo ee looga fadhiyo ineey ansixiyaan amaba ineey dib ugu celiyaan Golaha Wasiirada XFS waayo waxa aan soo buuxsameyn Koorankii loo baahnaay in lagu furo fadhiga Golaha Shacabka,hadaba kulan ey yeesheen Golaha Shacabka ee BJFS maanta oo Sabti ah 18/2/23-ka kana dhacay xarunta Villa Hargaysa ee magaaladda Muqdisho ayaa lagu ansixiyey laba hindiso sharciyeed ey horay u soo gudbiyeen Golaha Wasiiradda XFS. Kulanka maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa waxaa soo xaadiray 150-Xildhibaan oo soo buuxiyey Kooramkii maanta,ka dib markii uu furmay kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa cod loo qaaday laba hindiso sharciyeed oo horay Xildhibaanda Golaha Shacabka uga doodeen,waxayne Xildhibaanada si aqlabiyad leh u ansixiyeen Hindisa sharciyeedka Nidaamka Maaliyadeed ee Khayraadka Dhulka Hoostiisa,waxaane ansixiyey 148-Xildhibaan waxaane ka aamusay laba Xildhibaan. Isla maanta oo Sabti ah ayey Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ansixiyeen hindiso sharciyeedka Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliyeed,hindisa sharciyeedkaan ayey Xildhibaanada Golaha Shacabka horay dhawr mar uga soo doodeen ugu dambayntiina waxaa ansixiyey 149-Xildhibaan waxaane diiday hal Xildhibaan,dhinaca kalane,Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BJFS ayaa walaalahooda Turkiga uu ku dhuftay dhulgariir ugu deeqay 20% Mushaarkooda.
ISHA WARKA SBMEDIA.