SURIYA OO LAGU DILAY HOGAMIYE SARE OO…

DIYAARADAHA DAGAALKA EE MARAYKANKA.

(SYRIA)-Bayaan ee soo saartay Wasaaradda Difaac dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in la dilay hogaamiye sare kana tirsan ururka Daacish ee ka dagaalamo dalka Suriya,weerarkaan oo dhacay xalay oo Khamiis ahayd kana dhacay Waqooyi-Bari dalka Suuriya ayaa waxaa ku dhaawacmay afar askeri oo ka tirsan ciidmada Maraykanka oo isticmaalayey diyaaradda qumaatiga u kacdo. Bayaanka ayaa lagu yiri”Weerarka ayaa lagu bartilmaameedsaday sarkaa sare kana tirsan ururka Daacish,waxa uuna dhaawac soo gaaray afar askeri oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ee qaaday weerarka iyo hal Ey oo boolis ah lana socday askarta dhaawacantay”,Hogaamiyahaan sare ee Daacish ayaa isku difaay inuu isticmaalo bam gacmeed waane tan sababtay in dhaawac uu soo gaaro askarta iyo Eygii la socday. “Hawlgalka ey qaadeen ciidamadda Maraykanka laguna dilay hogaamiye sare oo Daacish ah ayaa ah mid guulaystay,sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xamsa Al-Homsi.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

BJFS OO ANSIXIYEY HINDISO SHARCIYEED.

Next
Next

WEERAR ISMIDAMIN KU BILAWDAY OO KA DHACAY…