DADKA MUQDISHO OO BILAABAY INEEY KA QAXAAN GURYAHOODA.
Tan iyo markii aqalka hoose ee baarlamaanka JFS uu u kordhiyey waqtiga hayadaha dastuuriga ah mudo laba sano ah waxaa magaaladda Muqdisho ee ah caasimadda JFS ka bilawday kacdoon looga soo horjeedo arrintaas waxa eeyna sababtay in ciidamo ka tirsan xukuumadda ka soo baxaan goobihii eey isaga soo horjeedeen alshabaab waxa eeyna soo galeen caasimadda Muqdisho ayago ka gadoodsan mudo kororsiga uu sameeystay Farmaajo. Waqooyiga Muqdisho oo hadda xarun u ah labadii madaxweyne ee xilka uga horeeyey Farmajo ayaa ah goobta uu ka dhacay dagaalkii ugu kululaay ee dhexmara ciidamada ka gadooday waqti kororsiga Farmajo iyo ciidamadda weli daacadda u ah Farmajo gaar ahaan kuwa loo yaqaano DUUFAAN kana tirsan NISA waxaane dhacday in laga itaal roonaaday Dufaan lagalana wareegay goobihii eey ka joogeen waqooyiga Muqdisho gaar ahaan goobta loo yaqaano Miranaayo. Maalin ka dibne waxaa isna la wareeray hogaamiyaha xisbiga Wadjir C/raxmaan C/shakuur oo saldhig ka dhigtay agagaarka madaxtooyadii C/qasim amaba loo yaqano SHIIRKOLE waxaane goobtaas horay u joogay taliyihii booliska Caasimadda Muqdisho Gen.Saadaq Joon waxaane goobtaas ka dhacay dagaal aad uga kulul kii ka dhacay Miranaayadda waxa uuna sababay barakac ku yimaado dadkii rayidka ahaay ee deganaay agagaarka halka lagu dagaalamay. C/raxmaan C/shakuur iyo Saadaq joon ayaa ka guuray halkii eey horay u deganaayeen waxa eeyna u wareegeen halka loo yaqaano SIIGAALE ee degmada Hodan waane halka eey ilaa iyo hadda ku sugan yihiin waane meesha uu ka jiro barakaca ugu badan magaaladda Muqdisho. XIGASHO MIDDLE EAST MONITOR.