DAGAAL KA QARXAY CAASIMADDA SOOAALIYA EE MUQDISHO.

Ciidamada-1-1.jpeg

Tan iyo markii uu golaha shacabka ee JFS uu u kordhiyey waqtiga xil haynta hayadaha federaalka 12/4/2021-ka dalka soomaaliya waxa uu galay xaalad adag oo dhinaca siyaasadda ah waxaane bilawday is abaabul xoogan oo looga soo horjeedo arrintaas,beesha caalamka oo qeyb ka ah arrimaha cakiraan ayaa waxa eey ka soo saartay hadal cad waqti kororsiga Farmajo waxa eeyna ugu baaqday in dib loogu laabto wada hadaldii u socday DFS iyo shanta maamul goboleed ee ka tirsan dawladda federaalka waxane taas ka biya diiday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Farmajo,hadaba midawga musharixiinta oo ah kooxda ugu adag ee ishortaagtay in farmajo waqtiga dheeraysto ayaa bilaabay ineey kala degaan goobo kala gedisan oo magaaladda ah kadib markii eey dhacday in weeraro uga yimaadeen ciidamadda DFS,maxaa dhacay maanta oo Axad ah?

Maanta duhurnimadii ayaa waxaa weerar lagu qaaday hoyga uu magaaladda Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee soomaliya Prof.Xasan Sheekh Maxamuud,hoyga madaxweyne Xasan ayaa ku yaalo dhinaca barri ee magaaladda halka loo yaqaano Miranaayadda waxaane halkaas ka dhacay dagaal aad culus oo faraha looga gubtay waxaane dhacday in ciidamdii soo qaaday weerarka kana tirsanaa NISA loona yaqaano Dufaan in lagu jebiyey dagaalka loogana gubay baabuur dagaal,waxa eeyna ku qasabtay ineey isaga baxaan aaga oo dhan ka dib markii eey ku adkaatay ineey sii wadaan dagaalka.

Afurkii ka dib ee maanta ayey hadana ciidamadda dawladda federaalka weerareen hoyga uu degan yahay hogaamiyaha xisbiga wadajir kana tirsan midawga musharixiinta siyaasi C/raxmaan C/shakuur waxane halkaas ka dhacay dagaal ka culus kii ka dhacay Mariinada waxa uuna dagaalkan ku fiday degmooyin nabad ahaay kuna dhawaay degmada Hodan sida degmda Hawlwadaag eey la wareegeen ciidamo la sheegay inuu hogaaminaayey taliyihii hore ee Danab G/le C/maalik iyo gudoomiyihii degmada Dayniile Jacfar,kooxdaan ayaa qabsatay ilaa isgoyska dabka,sayidka iyo shaqaalaha waxane goobtaas horay ugu sugnaay ciidamo boolis ah oo garab ka helaayey ciidamadda GorGor ee uu tababaray turkiga isla markaasne qalabeeyey,arrinta ayaa hadda degan waxaane socoto waanwaan eey wadaan odayaal dhaqameed u dhashay degaanka iyo beesha caalamka oo qoraal ku qoran lahjad adag ka soo saartay wixii maanta ka dhacay caasimada Muqdisho.XIGASHO WAKAALADAHA.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

DADKA MUQDISHO OO BILAABAY INEEY KA QAXAAN GURYAHOODA.

Next
Next

MARAYKANKA OO WAKIIL GAARA U SOO MAGACAABAY GEESKA AFRIKA.