DAACISH-K OO SHEEGATAY WEERARADII KA DHACAY AFGAANISTAAN.

145825.jpeg

(DAILY SABAH): Shalay oo ahayd Axad kuna beegneed (19-9-2021)-ka ayey kooxda Daacish kuna sugan Khorasan marka la soo gaabiyana loo qoro Daacish-K ee dalka Afgaanistaan sheegteen in iyagu masuul ka yihiin qaraxyadii ka dhacay magaaladda Jalaalabaad ee caasimadda u ah gobolka Nangarhar kasso dhaca bariga dalka Afgaanistaan,warkaan ayey kooxda Daacish-K ku faafiyeen warbaahintooda loo yaqaano”Amaq”.Kooxda Daacish-K waxaa kaloo eey sheegatay ineey iyadu masuul ka ahayd laba weerar oo dhacay bishii la soo dhaafay ee Agoosto,labada weerar ayaa mid ka mida waxaa lagu qaaday garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Xamiid Kharasaay dhammadkii Agoosto waxaane weerarkaas ku naf waayey dad ka badan boqol(100)-qofood halka weerarka kale oo ahaay qarax la dhigay meel dadku ku badan yihiin ayaa waxaa ku naf waayey laba(2)-qofood waxaane ku dhaawacmay tiro kale.XIGASHO DAILY SABAH.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

WARARKA SOOMAALIYA KUWOODII UGU MUHIIMSANAAY.

Next
Next

WEERAR KA DHACAY JAAMICAD KU TAALO DALKA RUUSHKA.