WARARKA SOOMAALIYA KUWOODII UGU MUHIIMSANAAY.
(MUQDISHO):Maalmihii la soo dhaafay waxaa dalka Soomaaliya ka jiray muran xoogan oo dhexeeyo labada masuul ee dalka ugu sareeyo Madaxweyne Farmaajo iyo RW-Rooble murankaan ayaa salka ku haayo awooda iyo cidaa dalka looga dambaynaayo watigaan kala guurka ah,arrintaan ayaa waxa eey culays ku noqotay hawlihii doorashooyinka dalka oo soo bilawday dhammaadkii bishii juulaay-2021-ka gaar ahaan doorashooyinka Aqalka sare oo aan meelaha qaar ka dhammaan sida maamuladda Galmudug,Koonfur Galbeed iyo Jubaland halka Puntland soo dhammaysay Hirshabeelana gabagabo joogto. Muranka labada masuul ayaa waxaa ka hadlay wakiiladda beesha caalamka ee Soomaaliya waxa eeyna sheegeen in muranka meel la iska dhigo loona soo jeesto doorashadda sida aadka ah dibka ugu dhacday,tusaale ahaan doorashadda xildhibaanadda labada aqal(Sare/Hoose) ayey ahayd ineey soo dhammaato bishii Diseembar-2020-ka halka doorashadda Madaxweynaha ahayd 7/2/2021-ka ineey dhacdo hadana waxaa la joogaa oo lala rafahaa doorashaddii aqalka sare oo ka kooban(54)-xildhibaan waxane dhiman doorashadda aqalka hoose oo ka kooban 275-xildhibaan. Dawaladda Maraykanka oo ah dalka sida aadka ah u taageero Soomaaliya ayaa ka hadlay muranka u dhexeeyo madaxweyne Farmaajo iyo RW-Rooble,xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Mr.Antony Blinken ayaa soo saaray bayaan uu kaga hadlaayo khilaafka Farmaajo iyo Rooble waxa uuna bayaankiisa ku yiri”Iskashiga hogaamiyeyaasha Soomaalida gaar ahaan Madaxweynaha iyo RW-raha ayaa muhiim u ah xaqiijinta in dalku si deg deg ah u soo dhammaystiro hananaka doorashooyinka,murankaan labada masuul ayaa halis ku ah adkeeynta hanaanka doorashadda waane mid loo baahan yahay in si deg deg ah loo xaliyo”.
NETHERLAND(HAGUE):Maxkamadda cadaaladda adduunka(ICJ) ayaa waxa eey shaacisay waqtiga eey ku dhawaaqi doonto go’aanka dacwadda u dhexeeyso dalalka Soomaaliya iyo Kenya,dacwadaan ayaa ku saabsan dhul badeed u dhexeeyo labada dal dhulkaas ayaa waxaa dhex ceegaago khayraad aad u fara badan waane tan keentay in dawaladda Kenya sheegato dhul eey ogtahay ineysan lahayn.Dacwadaan ayey maxkamadda ICJ dhegaysatay labada dhinaca ee isku haayo waqti sii horeeysay ee sannadkaan ah waxaane lagu wadaan in go’aanka maxkamadda(ICJ) soo bixi doono 12-ka bisha soo socoto ee Oktoobar-2021-ka.
PUNTLAND(GARAWE):Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa horay waxa uu u shaaciyey in shir u dhexeeyo shanta maamul iyo gobolka banadir uu ka dhici doono caasimadda maamulkaas ee Garawe inta u dhxeeyso 21 ilaa 23-ka bishaan Sebtembar-2021-ka,ujeedka shirka eey isugu imaanyaan mamuladda ayaa ah ineey uga arrinsadaan arrimaha doorashooyinka iyo waqtigaan cakiran,balse shirka ayaan berri oo Talaado ah kuna beegan 21-ka Sebtembar-2021-ka dheceyn ka dib markii uu soo farageliyey RW-Rooble oo ah madaxa golaha wadatashiga qaranka kaaso eey xubnaha ka yihiin shanta maamul goboleed iyo gobolka banaadir,sababta keentay in RW-Rooble hor-istaago shirka Garawe ayaa lagu sheegay inuu u arkay liidid isaga lagu liido hogaankiisa golaha wadatashiga qaranka.
(B/HAKABA-HELIWA)-Magaaladda Buurhakaba ee gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa manta waxa ka dhacay qarax aad xoogan qaraxaas ayaa lala beegsaday masuuliyiin ka tirsan maamulka K/G Soomaaliya,masuuliyiinta lala eegta qarax ayaa lagu sheegay ineey kala ahayeen madaxii Sirdoonka ee degmada Buurhakaba Xuseen Dhuubaw iyo masuul kale oo la socday lana yiraahdo Caddaw,labadaan masuul ayaa waxaa soo gaaray dhaawac aan la sheegin intuu la’eg yahay. Magaaladda Muqdisho gaar ahaan degmada Heliwaa waxa maanta ka dhacay dil oo waxaa goobtiisii ganacsiga lagu dhex dilay ganacsade C/raxmaan Xaaji Barre,dilka ayaa waxaa fuliyey laba nin oo ku hubaysnaay bastoolado sida eey sheegeen goobjoogayaal kuwaasoo meesha isaga baxsaday,war eey soo saartay kooxda Alshabab ayey ku sheegtay in ayagu masuul ka ahaayeen qaraxii Buur hakaba iyo dilkii ka dhacay Heliwaa,waxayna sheegeen in ganacsade C/raxmaan ahaay sarkaal ka tirsan ciidamadda booliska Soomalaiyeed darajadiisuna ahayd dhamme,ma jirto cid cadayn karta warka alshabaab in cabdiraxmaan ahaay sarkaal boolis ah.
WAXAA DIYAARIYEY WAKIIL WAREEDKA SUUQBACADA MEDIA EE DALKA SOOMAALIYA
WARIYE/ ABKEEY.