CUDURKA EBOLA OO LAGA HELAY DALKA…
GOOBAHA LAGA HELAY CUDURKA EBOLA EE DALKA UGANDA.
(KAMPALA)-Waxaa la xaqiijiyey ineey jiraan tiro dad ah uu haleelay cudurka Ebola iyo ineey jirto dhimasho uu sababay cudurkaas Ebola gudaha dalka uganda,waxaane la soo sheegay tirada u dhimatay cudurka Ebola ineey dhan tahay ilaa sideed qofood maanta oo Khamiis ah,sidaas waxaa sheegatay Wasaaradda Caafimaadka dalka Uganda taaso shaaca ka qaaday in cudurka Ebola uu ka dilaacay meelo kala duwan oo ka mida dalka Sudaan horaantii todobaadkaan.”Waxaa aan karantiilnay kow iyo toban qofood oo loo malaynaayo ineey qabaan cudurka Ebola waxaane la diiwaan geliyey dad gaaraayo 43-qofood oo loo lagu arkay ineey qabaan cudurka Ebola waxaane xiriir lala sameeyey ciidamada degmooyin gaaraayo toban degmo oo loo malaynaayo inuu ka jiro cudurka Ebola”sidaas waxaa sheegay afhayeenka wasaaradda caafimaadka dalka Uganda.
ISHA WARKA AA.