COLUMBUS: XUKUN KU DHACAY DILAAGI DILAY IMAM MAXAMED.
(SAWIRKA)-AUN iMAAM MAXAMED XASAN ADAM.
(COLUMBUS-OHIO)-Dalka Maraykanka waxaa ku nool Soomaali fara badan waxa eyna kala degan yihiin Gobolo kala duwan,inta badan Soomaalida ayaa degan Goboladda Minnesota iyo Ohio waane labada Gobol ey dadka Soomaaliyeed ku leeyihiin Meherado kala gedisan sida Dukaaman iyo Maqaayado. Kolombas oo ah caasimadda Gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa sannadkii 2021-kii waxaa ka dhacay in dil loo gaystay Imaamka Masaajidka Abu Hureyra,imaamka masjidka ayaa la dhihi jiray AUN-Imaam Maxamed Xasan Adam,Imaamka ayaa waxaa la waayey 21/12/21-kii waxaane Booliska la wargeliyey 22/12/23-kii waxaane Kolombas ka bilaabatay baadi goobka Imaam Adam,waxaane Meydka Imaam Maxamed Xasan Adam la soo helay isaga oo ey ku yaaliin afar xabadood oo uga kala yiil Madax,Qoorta iyo Bawdada,Meydka Imaamka ayaa yiilay markii la soo helaayey Gaarigiisa oo ahaay Van GMC midabkiisuna yahay Jaalo,goobta laga soo helay meydka Imaamka ayaa ahayd mid u dhaw Windsor iyo Joyce Avenue.
ISHA/WCB.