CIIDAMADDA MIDAWG YURUB OO XOOG KU SOO FURTAY….

(SAWIR)-KA.MARKABKA LAGA SOO FURTAY BURCAD BADEEDA SOOMAALIYEED.

(MUQDISHO)-Ciidamadda Midawga Yurub ee la dagaalanka Burcad badeeda ayaa sheegay in Markab Ganacsi oo laga leeyahay dalka Libeeriya laga sii daayey Xeebaha Soomaaliya kaaso lagu magacaabo BASILISK. EUNAVFOR ee hawlgalka Atlanta oo ah Ciidamadda Midawga Yurub ee la dagaalanka Burcadd Badeeda ee ku sugan Gobolka Geeska Afrika ayaa sheegay in 17-shaqaale ah lana socday Markabka Libeeriya ey badqabaan ka dib markii shalay oo Kahmiis ahayd laga afduubtay meel qiyaastii 380-Nautic Miles Bari ka xigta magaaladda Muqdisho ee ah Caasimadda Soomaaliya xilli ey u socdeen dhanka Waqooyi. “Habeenkii khamiista waxaa goobta yimid Markab dagaal oo Atlanta ah oo gaaf wareegaayey goobta,Ciidamadda Atlanta waxay fuuleen Markabka iyagoo isticmaalaayo farsamadda xarkaha dheereeya ee diyaaradaha Qumaatiga u kaco”ayaa lagu yiri warbixin ey soo saareen Ciidamadda Badda ee Midawga Yurub. Ciidamadda Midawga Yurub ayaa sheegay intuu socday weerarka kooxda Burcad badeeda looga shakisan yahay in mid ka mid ah shaqaalihii la socday Markabka uu dhaawac soo gaaray balse xaaladiisu ey wanaagsan tahay ka dib markii ey daaweeyeen kooxaha caafimaadka ee Atlanta. “Dhammaan dhacdada,Hawlgalka Atlanta waxa uu xiriir joogta ah la lahaay Shirkadda iska leh Markabka iyo Gobolka Calanka”,ayaa lagu yiri bayaanka. Dhacdadaan ayaa timid hal bil ka dib markii laga digay iney soo laabtaan weeraradii ey Burcad Badeedu ka gaysan jireen badaha ku teedsan Xeebaha Soomaaliya. Xafiiska Rugta Ganacsiga ah ee Badaha Caalamiga ah(IMB) ayaa warbixinteedii soo baxday 10/4/2024-ka ku boorisay in Maraakiibta ey ka feejignaadaan marka ey isaga kala gooshayaan Xeebaha Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed,maadaama ey weli Burcad Badeedu khatar tahay in kastoo weerarada Burcad ey hoos u dheceen tan iyo sannadkii 2017-kii.

ISHA/XINHUA.

Previous
Previous

BRUSSELS: BAM GACMEED LAGU WEERARAY SFAARADDA ISRAEL.

Next
Next

MALEESHIYAADKA ALSHABAAB EE G/DHEXE OO ISA SOO DHIIBAAYO.