MALEESHIYAADKA ALSHABAAB EE G/DHEXE OO ISA SOO DHIIBAAYO.
(SAWIR)-KA. CALI CEEL JOOG. WAA ALSHABAAB ISU SOO DHIIBAY CXDS.
(MUQDISHO)-Taliyaha Booliska Soomaaliyeed S/G.Sulub Axmed Firin ayaa maanta ka hadlay arrimo ku saabsan dadka isticmaala Baraha Bulshada ee ku kaca Dembiyo Anshaxa la xiriira iyo kuwa Kicin Bulsha ah,taliyaha ayaa sheegay “Qof kasta oo Isticmaala Baraha Bulshadda waxa aan weydiin Doonaa inuu cadeeyo wixii uu sheegay,haddii uu qof caayeyne waxa aan horgeyn doonaa Sharciga”. Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaaladda Muqdisho ka jiray arrimo aan aad u fiicneyn ey sameynayaan dhallinyaro isticmaasha baraha bulshada gaar ahaa AALADDA TIKTOK-ga. Waxaa hadda xabsiga ku jiro dhallinyaro ka badan ilaa 20-Qof una xiran arrimo Anshax xumi ah iyo Kicin bulsho,waxa eyna sugayaan in la horgeeyo cadaaladda si marsiiyo waxa uu sharciga ka qabo waxa ey sameeyeen. Dhinaca kale, aroor hore oo maanta ah ayey Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaayo kuwa degaan waxa ey hawlgal burburin ah ka fuliyeen degaanka Geerile oo dhaca Galbeedka Degmada Qadiimiga ah ee Ceeldheer ee G/Galgaduud,waxaane weerarkaasi dhibaato xoogan loo gaystay kooxda Alshabaab oo waxaaa halkaasi looga dilay ilaa toban maleeshiya ah waxaane laga soo furtay Qorayaha AK47 iyo rasaas fara badan,hawlgalka ayaa ahaay mid Qorsheysan oo loogu dhacay goobo ey Alshabaab gabaad ka dhiganaysay,waxaane cagta la mariyey dhammaan rugihii iyo fariisimadii ey halkaasi ku lahaayeen. Kooxda Alshabaab oo uu soo koray culays eysan qaadi karin iyo dhaqaale xumo aad baahsan ayaa hadda waxaa ka soo goosanayao Maleshiyaad u dagaalami jiray kuwaaso isu soo dhiibaayo Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyed iyo kuwa degaan,Cali Ibrahim Qoobeey(Cali Ceel Joog) waxa uu ka mid ahaay kooxda Alshabaab waxa uuna Cali maanta isu soo dhiibay Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay degmada Mesegawaay ee G/galgaduud. Sida uu sheegay Cali waxa uu kooxda Alshabaab ka tirsanaay muddo dhan lana sano waxa uuna kooxda Alshabaab kaga biiray Degmada Galcad ee G/galgaduud,waxaane tababar loogu diray degaano u dhexeeyo degmooyinka Saakow iyo Bu’aale oo labaduba ka wada tirsan G/Jubadda dhexe ee Koonfurta Soomaaliya. Cali Ceel-joog ayaa ciidamadda u sheegay sababta uu uga soo goostay kooxda Alshabaab iney tahay noloshii oo aad u adkaatay iyo kooxda uu dhexdooda ka socdo dagaal salka ku haayo Qabyaalad.
ISHA/SB-MEDIA.