BRUSSELS: BAM GACMEED LAGU WEERARAY SFAARADDA ISRAEL.
(SAWIR)-KA.AMBULANCE.
(BRUSSELS)-Xafiiska dacwad Oogaha Brussels ayaa furay baaritaan ka dib markii nin uu Bam Gacmeed ku tuuraya Safaaradda Isra’iil ee ku taalo degmada Brussels ee Ukkel. Dhacdadaan ayaa dhacday abaarihii 5:30-Daqiiqo subaxnimo waxa eyna ka dhacday Safaaradda Sterrewachtlaan. War Qoraal ah oo uu soo saaray Xafiiska dacwad Oogaha Brussels maanta oo Jimca ah ayaa lagu yiri” Subaxnimadii Jimcaha abaaro saacadu markeey ahayd 5:30-kii nin aan la qoonsan ayaa Bam Gacmeed ku tuuray Safaaradda Isra’iil ee Ukkel”. “Ciidanka Booliska ayaa tegay goobta,waxayna ku wargeliyeen Xeer Ilaaliayaha shaqada,waxaane goobta soo xaadiray saraakiil ka tirsan Booliska Federaalka iyo Khubaro dhanka Bambooyinka ah oo ka tirsan Hayadda DOVO,baaristuna weli waa ey socotaa,waxayne Baaristu dan ugu jirtaa Xafiiska Xeer ilaalinta,wax war ahne ka soo saari doono”.
ISHA VRT-NEWS,