CIIDAMADDA ITOOBIYA OO UGAARSI KA WADA GOBOLKA AMXAARADA.

CIDAMADDA ITOOBIYA.

(ADDIS -ETHIOPIA)-Dalka waxa uu ka mid yahay wadamadda Qaaradda Afrika ugu faca weyn taariikh ahaan waxa uuna soo ahaan jiray boqortooyo balse hadda waxa uu noqday dawlad Federaal ah oo waxa eey leeyihiin dawlad la soo doorto waxaane dhacday in Raysal wasaaraha hadda joogo Abiye Axmed uu dib u dhigay waqtigii loou talagalay ineey dhacday doorashada dalka Itoobiya arrintaan ayaa waxaa ka dhashay dagaal u dhexeyo ciidamadda dawladda Federaalka iyo ciidamo taabacsan xoogaga jabhadda Tigray ee TPLF-ta dagaalkaan ayaa dalka Itoobiya waxa uu geliyey dhibaatooyin dhaqaale iyo mid amni, inta uu socday dagaalka u dhexeeyo dawladda Federaalka iyo Tigray-da ayaa waxaa jiray xoogag kale oo garab siiyey TPLF-ta waxaane xoogagaas ka mida ahaay xoogag Amxaaradda ee loo yaqaano FANO. Dwaladda Federaalka Itoobiya hadda waxa eey bilawday ineey ugaarsato kooxda FANO ee Amxaaradda waxaane dhacday in ugu yaraan 19-saxafi iyo qaar ka mida maleeshiyaadka Fano kuna wada sugan gobolka Amxaaradda la soo xiro, waxaane la soo sheegaa dad la soo xiray ilaa hadda ineey dhan yihiin 4,000-qofood oo isuga jiro dad kala gedisan balse lagu wada tuhmaayo ineey gacan saar la leeyihiin TPLF-ta waqtigii uu socday dagaalka.

XIGASHO THE GUARDIAN.

HALKAAN KASII AKHRISO.

Previous
Previous

370,000-CARUUR SOOMAALIYEED OO QARKA U SAARAN DHIMASHO.

Next
Next

GIRIIGA OO DHAAWACAY MUHAJIRIN.