370,000-CARUUR SOOMAALIYEED OO QARKA U SAARAN DHIMASHO.

XOOLAHA KU LE’ADAY ABAARTA SOOMAALIYA.

(MOGADISHO-SOMALIA)-Saraakiisha Qaramadda Midoobay kuna sugan dalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in xaaladda Bani’aadanimo ee dalka Soomaaliya tahay mid aad u xun 7.1-milyan oo Soomaali ah ayey saameyn doontaa abaarta ka taagan dalka Soomaaliya ka hor inta uusan dhammaan sannadkaan 2022-ka,waxa eeyna Soomaaliya u baahan tahay kaalmo bani’aadanimo oo aad u weyn. “Haddii eeynaan qiyaasin qaadine tilaabo aan uga jawaabeyno arrintaan waa nasiib darro in dad badan..badan eyna ku jiraan ugu yaraan 370,000-caruur ah waa eey dhiman doonaan ka hor dhammaadka bisha June-2022-ka taasina waxa eey kuu sheegaa sida xaaladu u daran tahay”.Sidaas waxaa yiri isku duwaha Qaramadda Midoobay ee Bani’aadanimada u qaabilsan Soomaaliya Adam Abdelmoula ka dib markii uu booqday magaaladda Baydhabo ee gobolka Bay maamulka Koonfur Galbeed,baydhabo ayaa ah halka eey abaartu u saameysay si aad ah.

XIGASHO ANADOLU.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

MINNEAPOLIS OO LA OGOLAADAY IN ADAANKA KOR LOO QAADO.

Next
Next

CIIDAMADDA ITOOBIYA OO UGAARSI KA WADA GOBOLKA AMXAARADA.