CIIDAMADDA BADDA EE HINDIYA OO MAR KALE QABTAY…

(SAWIRKA)-SAGAALKII BURCAD BADEED EE SOOMAALIDA AHAYD,

(INDIA)-Wararka ka imanaayo dalka Hindiya ayaa sheegaayo in ciidamadda badda ee dalka Hindiya kana hawgala Badweynta Hindiya ey mar kale ku guuleysteen si xoog ah ey ku soo furtaan Dooni laga leeyahay dalka Bakistaan taaso lagu haystay bartamaha Badweynta Hindiya. Sida la soo sheegay sagaal nin oo hubyasan oo ah Burcad Badeed Soomaaliyeed ayey Doonta reer Baksitaan u afduubneed,waxaane kooxda Burcada ahayd weeraray koox ku takhasustay la dagaalanka Burcad badeeda waxaane u suurtagashay ciidamadda dalka Hindiya iney soo wada qabtaan iyagoo bed qaba sagaalkii Burcad Badeed ee Soomaalida ahayd isla markaasne ey soo badbaadiyaan seddex iyo labaatan shaqaale oo la socotay doonta la afduubay,ciidamadda badda ee dalka Hindiya ayaa hubiyey Nadaafadda gudaha Doonta reer Baksistaan waxa eyna baaris caafimaad u sameeyeen 23-shaqaale ee la socday doonta FV AL-Kambar,waxa eyna fasaxeen doontii si ey hawsheedii kallumaysiga ahayd u sii wadato. Burcad Badeeda Soomaaliyeed ee sagaalka ah ayaa maanta la geeyey dalka Hindiya si halkaasi loogu maxkamadeeyo,waxaane todobaadkii hore maanta oo kale laga dejiyey dalka Hindiya 35-burcad Badeed kale oo Soomaali ah kuwaaso laga soo furtay Markab laga leeyahay dalka Bulgaariya lana yiraahdo MV RUEN, dhammaan Burcdaan Soomaalida ah ayaa la marsiin doonaa Xeerka la dagaalanka Burcad Badeeda ee la soo saaray sannadkii 2022-kii.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

BAARLAMAAN JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY…

Next
Next

DALKA MALEESIYA OO QABTAY NIN HUBAYSAN OO…