BAARLAMAAN JAMHUURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY…

(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA JAMHURIYADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.

(MUQDISHO)-Todobaadkii tegay dhammaadkiisa kuna beegneed maalintii Khamiista bishuna ahayd 28/3/24-ka ayaa waxaa shir isugu yimid labada Aqal ee uu ka kooban yahay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaaka Soomaaliyeed,ujeedada kulankaas ayaa ahayd dhegaysiga Warbixinta Gudiga u xil saaran Dib u eegista iyo wax ka bedelka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,waxaane goobta ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Xildhibaan Xuseen Idaw iyo AVV.Burhan oo labaduba Mudanayaasha u sharaxay hawshii la soo qabtay iyo halka ey hadda arrini marayso,intaas ka dib ayaa waxaa fadhigii soo xiray Gudoomiyaha Golaha shacabka ee BJFS Md.Sheekh Aden Madoobe waxa uuna marka hore u Mahad celiyey Gudiga iyo hawsha baaxadda leh ey soo qabteen ka dibne waxa uu sheegay in maalinta Sabtida ah kuna beegan sodonka bishaan loo codeyn doono Afarta Cutub ee ugu horeyso ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Hadaba maanta oo Sabti ah kuna beegan 30/3/24-ka ayaa waxaa fadhi wadajir Villa Hargaysa ku yeeshay labada Aqal uu ka kooban yahay BJFS kaaso ka kooban 329-Mudane,kulankii maanta ee BJFS ayaa waxaa soo Xaadiray Aqalka Sare 42/54 halka Aqalka Hoose ey soo Xaadireen 212/275, tirada guud ee maanta timid fadhiga ayaa ah 254-Mudane,markaas ka dib ayaa waxaa cod loo qaaday sidii loo Ansixin lahaay Afarta Cutub ee Dastuurka ee wax ka bedelka lagu soo sameeyey, waxaane cod Aqlabiyad ah lagu Amsixiyey Afarta Cutub ee Dastuurka ka mid ah ee wax ka bedelka lagu sameeyey mana jirto cid diiday iyo mid ka aamustay,waxaane jiro Qodobo ka mid ah Afarta Cutub uu Gudiga sheegay in gadaal loo dhigay sida Qodobka 13-aad oo ka hadlaayo Xaqa Nolosha, Qodobka 16-aad oo ka hadlaayo Xuriyadda ka mid noqoshada iyo Qodobka 28-aad oo ka hadlaayo Daryeelka Qoyska,sida laga soo xigtay Gudiga Dib u eegista iyo wax ka bedelka Dastuurka dhammaan qodobadaan ayaa lagala soo tashan doonaa Culumada Soomaaliyeed ka hor inta aan la horgeeyn Mudanayaasha labada aqal. Dhinaca kale, beesha Caalamka ayaa DFS waxa ey cadaadis ku saartay in meesha laga saaro Madaxweyne ku Xigeen inuu dalku yeesho taas bedelkeedana dalka Soomaaliya uu yeesho Reysal Wasaare iyo Reysal wasaare ku Xigeen uu soo magacabaayo Madaxweynaha xilkana ey ka qaadi karaan Madaxweynaha iyo BJFS. Madaxweyne Xasan Sh.Maxmauud mar uu la hadlaayey Baarlamaan JFS ayuu sheegay in DFS ey horyaaliin shan Arrimood kalana ah Seddex DFS ey la wadaagto Caalamka sida Cunaqabateynta Hubka, Deyn Cafinta iyo ku biirista Bulshada Bariga Afrika(EAC), laba arrin oo laga rabo iney DFS ayada sameeyso kalana ah Dhammaystirka Dastuurka iyo Xureynta dhulka Alshabaab haysto,hadaba DFS waxaa looga fadhiyaa Xureynta dhulka Alshabaab uu haysto.

ISHA/SBM.

Previous
Previous

MW-XASAN SH.MAXAMUD OO SOO SAARAY WAR SAXAAFADEED.

Next
Next

CIIDAMADDA BADDA EE HINDIYA OO MAR KALE QABTAY…