DALKA MALEESIYA OO QABTAY NIN HUBAYSAN OO…

(SAWIRKA)-NIN HUBAYSAN.

(KUALA LUMPUR)-Dalka Maleesiya ayaa xabsiga dhigay nin hubaysan kuna sugnaay Hotel ku yaalo magaaladda caasimadda ah ee Kuwaalalumbuur,sidaas waxaa sheegay sarkaal sare oo boolis ah,nin hubaysan ee la qabtay ayaa la sheegay inuu yahay 36-jir waxaane lagu tuhmaa inuu yahay Jaajuus ey soo dirsatay Isra’iil. Nin hubaysan ayaa laga helay lix bastooladood iyo rasaas dhan laba boqol xabadood,ninkaan ayaa dalka Malaeesiya soo galay taariikhdu markeey ahayd 21/3/24-ka waxa uuna ka soo degay garoonka caalamiga ah ee Kuwaalalumbuur ee caasimadda,waxa uuna ka soo duulay ninkaan hubaysan dalka Imaaraatka Carabta isagoo isticmaalayey wax ey masuuliyiinta Maleesiya rumaysan yihiin inuu yahay Baasaboor Faransiis ah oo been abuur ah,sida uu shir jaraa’id ku sheegay taliyaha guud ee Booliska dalka Maleesiya Razarudiin Husain goor dambe maanta oo Jimca ah. Tuhmanaha ayaa dhiibay Baasaboor Isra’iili ah ka dib markii ey boolisku su’aalo weydiiyeen. Taliye Razarudiin ayaa sheegay in boolisku ey baarayaan suurtaganimada in ninkaan uu ka tirsan yahay sirdoonka dalka Isra’iil ee Mossad,in kastoo eedeysanaha uu u sheegay masuuliyiinta Maleesiya inuu dalka Malaeesiya u yimid inuu ugaarsado mawaadin kale oo reer Isra’iil ah sabab la xiriirta khilaaf Qoys.

ISHA/ARAB.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

CIIDAMADDA BADDA EE HINDIYA OO MAR KALE QABTAY…

Next
Next

SOOMAALIYA IYO IMAARAATKA OO BEENIYEY….