CIIDAMADDA AUSSOM OO HAWLGAL KA BILAABAY G/SH.HOOSE.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA AUSSOM IYO KUWA DFS.
(MARKA-SH/H)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Shabeeladda Hoose ee Marka kana tirsan Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in halkaasi laga sameeyey Hawlgal, hawlgalka ayaa waxaa isla fuliyey Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Difaac Shacabka ee Ugaandha(UPDF). Hawlgalkaan Amniga lagu sugaayo ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeyso Kiiloomitir Konton iyo Xarunta Ceel-Jaalle ee Gobolka Shabeeladda Hoose, Ciidamadaan ayaa ku guuleystay iney xaqaan Walxaha Qarxa iyo ka hortaga weerarada gaadada ah,isla markaasne ey meesha kasaaraan halista ka imaaneysa kooxda AL-shabaab,Roondadaan wadajirka ey bilawday AUSSOM ayaa ah mid lagu ilaalinaayo dadka iyo badeecooyinkooda ey wataan iney si dhib yar isaga kala gudbi karaan degmooyinka G/Shabeeladda Hoose. Ciidamadda Ugaandha ee ka tirsan Hawlgalka AUSSOM ayaa Miino baaris iyo waxlaha qarxa ka nadiifiyey degaano walxaha qarxa ey geliyeen kooxda AL-shabaab,ujeedka Alshabaab ayaa ahaa iney la bartilmaameedsadaan ciidamada isku dhafka ah ee AUSSOM ee ka hawlgala G/shabeeladda Hoose. Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda dalka Ugaandha ee qeybta ka ah hawlgalka AUSSOM ayaa sheegay iney ka go’an tahay xaqiijinta Amniga Wadooyinka muhiimka ah iyo ilaalinta Nabadda iyo Amniga Bulshada Soomaaliyed ee ku nool degaanadaas.
ISHA-AUSSOM.