WAR SAXAAFADEEDKA SOOMAALIYA IYO ITOOBIYA.

(SAWIRKA)-MW-XASAN IYO RW-ABIY.

(ADDIS ABABA)-Wararka aan ka heleyno caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud uu soo gaaray dalka Itoobiya ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay Reyasl Wasaaraha dalka Itoobiya Mr.Abiy Axmed. Labada masuul oo yeeshay kulan gaar ah ayey kaga hadleen arrimo la xiriira heshiiskii Ankara ee uu garwadeenka ka ahaa Maaxweynaha dalka Turkiga Erdogan. Kulan saacado qaatay ka dib ayey labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya waxa ey si wadajir ah u soo saareen War Saxaafadeed ey ku xuseen wixii ey ka wada hadleen masuuliyiinta labada dal,War Saxaafadeedka ayaa waxa uu u qornaa sidaan: Reysala Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa si diiran u soo dhaweeyey Md.Xasan Sheekh Maxamud,Madaxweynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo ku jooa dalka Itoobiya. Labada masuul ayaa iska xog wareystay arrimo badan oo khuseeya labada dal iyo kuwa Gobolka,waxa eyna ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeyo labada dal. Waxay ku heshiiyeen iney dib u soo celiyaan oo ey kor u qaadaan xiriirkooda laba geesoodka ah iyaga oo matalaad diblomaasiyadeed oo buuxda ka helaya caasimadooda. Intaa waxaa dheer,labada hogaamiye waxay carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in ergadooda diblomaasiyadeed ee golayaasha dhinacyada badan iyo kuwa Gobolka ey si dhaw isaga kaashadaan arrimaha khuseeya labada dal. Hogaamiyeyaasha ayaa xaqiijiyey in xasiloonidda Gobolka ey u baahan tahay iskaashi adag oo dhexmara labada dal oo ku dhisan is aaminaad,kalsooni iyo ixtiraam. Waxay ku heshiiyeen in laga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaaladda lagu hagaajinaayo xiriirka Gobolka,kobcinta isfahanka guud iyo horumarka la wadaago. Waxa kaloo laga wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa,loona xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amaanka ee labada dal. Hogaamiyeyaasha ayaa hoosta ka xariiqay khatarta halista ah iyo khatarta sii kordheysa ee kooxaha xagjirka ah ee Gobolka,waxay isku raaceen iney farayaan Hayaddaha Amniga ee kala duwan si ey u xoojiyaan iskaashiga horumarka nabadda iyo xasiloonidda Gobolka. Intaas waxaa dheer,madaxda oo aan la dhayalsan karin tabar yaridda sii xoojinta dhaqaalah,iskaashiga,ganacsiga iyo maalgashiga labada dal. Waxay ku heshiiyeen in la balaariyo isku xirka kaabayaasha si loo fududeeyo ganacsiga iyo barwaaqada la wadaago iyadoo loo maraayo iskaashi dhaqaale oo adag. Ugu dambeyntii,waxay ku celceliyeen sida ey uga go’an tahay ku dhawaaqidda Ankara iyo niyadda saaxibtinimo iyo wadajirka soo nooleeya baaqa,waxay ku dadaaleen in la dardar geliyo gorgortanka farsamo ee lagu odorosaayo Baaqa.

ISHA-ENA.

Previous
Previous

(RIYAD): MIDAWGA YURUB IYO CARAB KU SHIREYSA…

Next
Next

CIIDAMADDA AUSSOM OO HAWLGAL KA BILAABAY G/SH.HOOSE.