WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA,MASAR IYO ERITEREEYA OO…

(SAWIRKA)-WASIIRADDA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA,MASAR IYO ERITEREEYA.

(QAHIRA-EG)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in dalalka Masar,Soomaaliya iyo Eritereeya ey maanta oo Sabti ah ey si adag ugu nuux-nuuxsadeen baahidda loo qabo in la sugo Amaanka biyaha Badda Cas laguna soo koobo dalalka Xuduuda la leh. Arrintaan ayaa ka dambeysay kulan seddex geesood ah oo ey maanta ku yeesheen magaaladda Qaahira Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee dalalka Soomaaliya,Masar iyo Eritereeya,kulankaas ayey Wasiiradu kaga hadleen xaaladda Gobolka iyo sidii loo ilaalin lahaa xasiloonidda ka jirta,xaaladda Suudaan iyo Soomaaliya iyo dalalka xuduudaha la leh Badda Cas iyo sii wadida isku duwidda siyaasadeed ee dalalkaasi. Wasiiradda seddexda dal ayaa isku raacay in la sameeyo hanaan seddexd geesood ah oo ey ku kulmaan xilliyo si ey uga wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo arrimaha danta guud. Wasiiradu waxa ey soo dhaweeyeen Horumarka laga sameeyey dhanka ilaalinta Amniga dalka Soomaaliya iyo Ilaalinta Midnimadeeda,waxayna sidoo kale ka wada hadleen sidii Soomaaliya looga caawini ahaa dhismaha hayaddaha dawliga ah iyo sidii loo ciribtiri lahaa Argagixisada,loona fidin lahaa gacan ku haynta guud ahaan degaanadda ey ka kooban tahay Soomaaliya,ilaalinta xuduudaheeda badda iyo berigaba. Sidoo kale,intii uu socday kulanka laba geesoodka ah oo u dhexeeyey Wasiiradda Arrimaha Dibadda Masar Dr.Badr C/caadhi iyo dhigiisa Eritereeya Cusmaan Saalax ayey labada dhinaca carabka ku adkeeyeen muhimadda ey leedahay in la xoojiyo dadaaladda wadjirka ah ee lagu taageeraayo Amaanka iyo Xasiloonidda Gobolka Geeska Afrika iyo sidoo kale in kor loo qaado isku xirka Arrimaha Gobolka ee danta guud,iyadoo xooga la saaraayo in Amniga Badda Cas uu ku xiran yahay rabitaanka dalalka saaran Badda Cas. Madaxweyneyaasha wadamadda Soomaaliya,Masar iyo Eritereeya ayaa horay War murtiyeed wadajir ah u soo saaray,ka dib shir Madaxeedkii bishii Oktoobar ee sannadkii tegay 2024-kii,kaaso ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee ASMARA ee dalka Eritereeya,wadamadaas ayaa xaqiijiye taageerada ey u hayaan Madax banaanidda iyo Madax banaandd dhuleed iyo iney diidaan talaabooyin hal dhinac ah oo halis ku ah Amniga guud. Hogaamiyeyaasha seddexda dal ayaa isla gartay baahidda loo qabo in la ixtiraamo Madax Banaanida,Madax banaanidda iyo Wadjirka dhuleed ee dalalka Gobolka,lagana hortago faragelinta Arrimaha Gudaha ee dalalka Gobolka iyadoo cudur daar laga dhiganaayo Argagixisada. Intii uu socday shir Madaxeedka,waxaa la isku raacay in la dhiso gudi seddex geesood ah oo ey ku mideysan yihiin Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka Soomaaliya,Masar iyo Eritereeya si ey isaga kaashadaan Istaraatiijiyad dhinac kasta ah iyo sidii loo adkeyn lahaa xasiloonidda iyo Amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas,si loo helo taageero geedii socodka horumarka iyo ka mira dhalinta danaha dadka degaanka.

ISHA-AA.

Previous
Previous

CIIDAMADDA AUSSOM OO HAWLGAL KA BILAABAY G/SH.HOOSE.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAY SHIRKA KAMPALA.