CATRIONA LAING OO IS CADEYSAY QOFKA EY TAHAY.

(SAWIRKA)-CATRIONA LAING IYO TAYE.

(ADDIS ABABA)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in Ergayga Qaramada Midoobe u qaabilsan dalka Soomaaliya Catrion Laing ey u mahadcelisay doorka weyn ey dawladda itoobiya ka gaysaneyso nabadda iyo xasiloonidda dalka Soomaaliya,sidaas waxaa tiri Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya laba maalin ka hor. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Danjire.Taye Atske-Selassie ayaa wada hadal wax ku ool ah la yeeshay Catriona Laing oo ah Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe iyo Madaxa xafiiska kaalmadda Qaramadda Midoobe ee Soomaaliya(UNSOM). Wasiir Taye ayaa Catriona Laing u xaqiijiyey sida ey Itoobiya uga go’an tahay iney sii wado horumarinta iyo xasiloonidda Gobolka. Labada Masuul ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeyo Qaramada midoobe iyo dawladda Itoobiya si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasiloonidda gobolka Geeska Afrika. Dhinaca kale,Catriona Laing ayaa maanta waxa ey tagtay caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo,Catriona ayaa halkaasi waxa ey ku qaabishay MW-C/casiis Laftagareen,labada masuul ayaa waxa ey ka wada hadleen arrimo ey ka mid yihiin Hawlaha samafalka,Amniga,Isbedelka Cimiladda,Siyaasadda dalka iyo Qabsoomidda shirka Golaha Wadatashiga,Dhammaystirka Dastuurka iyo arrimaha Doorashooyinka dalka Soomaaliya,Catriona Laing ayaa waxaa la soo gaabiyey waqtigeeda shaqo ee dalka Soomaaliya waxa eyna dalka Soomaaliya ka tegi doontaa 5/5/24-ka sida ey sheegtay QM sababta keentay in Catriona Laing dalka Soomaaliya laga ceyriyo ayaa waxaa lagu sheegay iney door muuqda ku leedahay arrinta badda ee u dhexeysa Soomaaliland iyo Itoobiya taageero buuxdana u hayso in arrinkaasi noqodo mid hirgala. Maamuladda dalka ee ilaa hadda gacan saarka la leh DFS ee uu ka mid yahay kan KGS ayey Catriona Laing isku dayeysaa iney ku qanciso sidii uu ugu saf noqon lahaa mucaaradka DFS una garab istaagi lahaay Hogaamiyaha maamulka Puntland Deni kaaso ilaa hadda diidan sida ey wax u wado DFS, waxaaane arrintaan u daliil ah Catriona ayaa tagtay Addis laba maalin ka hor una soo mahadcelisay Itoobiya ka dibne tagtay Baydhabo oo aan wada ognahay raadka ey Itoobiya ku leedahay maamulka KGS.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

AMNIGA MUQDISHO OO SII XUMAANAYO,SABABTA?

Next
Next

BANAANBAX GILGILAY MAGAALADDA MUQDISHO.