AMNIGA MUQDISHO OO SII XUMAANAYO,SABABTA?

(SAWIRKA)-G/LE DHEXE ADEN BIIT.

(MUQDISHO)-In Amniga caasimadda Muqdisho soo hagaagay waxa ey dhib iyo culays aan la qiyaasi karin ku ahayd kuwa nabad diidka ah ee inala sheegta Soomaalinimada,ma aha oo kaliyah inaan ka hadlaayo kooxaha Alshabaab ama Daacish ee waxaa jira kooxo kale oo iyagana u dhaqma sida kuwa aan soo sheegay balse aan wadan magac la wada yaqaan misane aan sidaas u muuqan kuna dhex milan bulshada Soomaaliyeed. Kooxahaan u dhaqma sida Alshabaab ama Daacish ayaa isugu jira Ganacsato,Odayaal dhaqameed iyo Mooryaan manaxayaal ah,marka aad maqashid masuul hebel ayaa la dilay mana eysan sheegan Alshabaab iyo Daacish midkood waxa aad ogaataa in kooxdii seddexaad ee dadka disha ey hawshaasi qabsatay,tusaale ahaan maalmo ka hor waxaan dad gaaraayo ilaa lix qofood lagu dilay duleedka Muqdisho ma jirto cid sheegatay oo tiri inaga ayaa ka dambeynay dilkooda,maantane waxaa caasimadda Muqdisho lagu dilay G/le dhexe Aden Cumar Axmed kana tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dilkiisa ilaa hadda cid sheegatay eysan jirin. AUN-Aden ayaa lagu dilay agagaarka Iskoola Buliisiya waxaane dilay rag ku hubaysnaay bastoolado,waxa eyna dhawr xabadood kaga dhufteen qeybta sare ee jirkiisa,waxase la ayaab ah in ragii gaystay dilka ey isaga baxsadeen goobta anagoo og halka dilku ka dhacay iney tahay goob si weyn loo ilaaliyo amnigeeda cid baxsan kartaana eysan jirin, waxaane goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan booliska oo goobta ka bilaabay baaritaan deg deg ah si ey u ogaadaan qaabka uu u dhacay dilka sarkaalka. Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Md.C/casiis Xasan Maxamed(Lafta-Gareen) ayaa ka tacsiyadeeyey dilka loo gaystay G/Le dhexe Biit,waxa uuna Laftagareen ku tilmaamay geeridda Aden Biit iney tahay qaasare weyn oo soo gaaray ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka tirsanaay.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

GACAN KU DHIIGLEYAAL LA SOO QABTAY.

Next
Next

CATRIONA LAING OO IS CADEYSAY QOFKA EY TAHAY.