BANAANBAX GILGILAY MAGAALADDA MUQDISHO.
(SAWIRKA)-XILDHIBAAN XUSUL.
(MUQDISHO)-Horaantii todobaadkan kuna beegneed habeenimo Axad ah eyn soo geleysay Isniin ayaa ciidamo ka tirsan Hayadda Sirdoonka Qaranka ee NISA gaar ahaan kuwa loo yaqaano GAASHAAN ee haysta tababarka gaarka ah waxa ey weerar ku qaadeen guri uu iska leeyahay AUN-Taliye Sayid-Cali Cabdi Cadde kana tirsan Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed,waxa uune Taliye Sayid-Cali fasax u soo aaday ehelkiisa iyo qaraabadiisa degan caasimadda Muqdisho isagoo ka yimid degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug bartamaha Soomaaliya halkaaso uu kaga qeyb qaadanayey dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Taliye Sayid-Cali iyo sarkaal kale oo la socday laguna magacaabo Guutaale ayaa kuwada sugnaay hoyga la weeraray. Weerarka ayaa waxa dhaawac culus uu soo gaaray Sayid-Cali Cadi Cadde kaaso markii dambe u geeriyooday, Taliye Guutaale iyo askar kale oo labada dhinac ah ayaa iyagana ku dhaawacmay dagaalka socday waqti kooban,arrintaan ayaa waxaa ka hadlay nin sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha dhallinyarada beesha Mudulood waxa uuna DFS u baaqay iney arrintaan soo farageliso cadaaladdana la horkeeno kuwii gaystay dhibka dhacay,balse ma eysan dhicin in DFS ey ka hadasho wixii dhacay iyo dad loo soo xiray dhibkii dhacay taasina waxaa ka dhashay in maanta magaaladda Muqdisho uu ka dhaco Mudaaharaad aad u weyn eyna isugu soo bexeen dad aad u fara badan kana dhacay Daljirka Daahsoon ee degmada Boondheer G/banaadir. Banaanbaxa ayaa waxaa ka hadlay xildhibaano heer Federaal ah oo ku metelo Beesha Mudulood Golaha shacabka ee BJFS eyna ka mid ahaayeen Xildhibaan,Xusul,Xil.Maxamed Cajiib,Xil.Xaadoole, Xil.yuusuf Kabaale iyo Xil.Daalo,Xildhibaanada waxa ey balan qaadeen in laga war sugo muddo dhan ilaa seddex maalmood si cadaaladda loo horkeeno sarkaalkii amray in la weeraro Hoyga uu iska leeyahay AUN-Marxuum Sayid-Cali Cabdi Cadde iyo askartii fulisya hawlgalka dhacay.
ISHA/CAASIMADDA.