TALIYAHA BOOLISKA SOOMAALIYA OO TABABAR…
(SAWIRKA)-TALIYAHA BOOLSIKA SOOMAALIYA.
(JABUTI)-Wararka ka imaanayo dalka Jabuuti ayaa sheegaayo in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/G.Sulub Axmed Firin uu halkaasi tababar ugu soo xigay Ciidanka Daraawiishta ee Booliska Soomaaliyeed kuwaaso muddo tababar uga socday dalka aan walaalahanahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti. Tababrakaan oo in muddo ah ka socday Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb qaatay dalalka Talyaaniga iyo Jamhuuriyadda Jabuuti,ciidankaan tababarka loo soo xiray ayaa qeyb ka ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waane dufcaddii 20-aad oo Daraawiish ah. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxa uu ma mid yahay ciidamadda ugu faca weyn ey leedahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed waxaane waqtiyadii hore tababarkooda bixin jiray dalalka Talyaaniga iyo dalkii horay loo oran jiray Jarmalka Bari balse hadda qeyb ka ah Dawladda Federaalka Jarmalka.
ISHA/CAASIMADDA.