CAF OO BIXIN DOONTO ABAALMARINTA…
(SAWIRKA)-CAYAARTOOYDA AFRIKA.
(CAF)-Xiriirka kubadda cagta ee Qaaraddq Afrika(CAF) ayaa maanta oo Arbaca ah(1/11/23)-ka ku dhawaaqay magacyada cayaarhanada Raga ah ee u tartamaayo cayaaryahanka sannadka 2023-ka,booskaan ayaa waxaa u sharaxan iney u tartamaan sodon cayaartooy lana soo saaray magacyadooda si ey ugu guulaystaan Abaalmarinta sannadka 2023-ka. Sodonkaan cayaartooy ee la soo saaray magacyadooda ee u tartamaayo Abaalmarinta sannadka 2023-ka ayaa laga soo kala xulay seddex qeybood oo kala ah”Xulalka Qaranka,Naadiyadda Afrika iyo Da’yarta Afrika”,waxaane qeyb walba laga soo xulay toban cayaartooy,dhinaca kale,Xiriirka kubadda cagta Qaaradda Afrika(CAF) ayaa bixin doono abaalmarin loogu talagalay Goolhayaha ugu wanaagsan Qaaradda Afrika Rag iyo Dumarba.
ISHA/AA.