CADNAAN SAYID OO LA SII DAAYEY.

CADNAAN SAYID.

(ANNAPOLIS)-Hae Min Lee waa gabar u dhalatay dalka Kuuriya balse haysata dhalashada dalka Maraykanka waxayna Hae ahayd ardyad dhigata dugsiga sare markii ugu dambaysay ee la arko Hae oo nool ayaa ahayd Janaayo-13-1999-kii waxane lagu arkay degmada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalkaasi Maraykanka.Afar todobd ka dib Hae meydkeeda waxaa laga soo helay Leak Park waxaane Hae lagu dilay Ceejo sida lagu arkay meydkeeda,dacwada gabartaan ayaa loo haystay nin lagu magacaabo Cadnaan Sayid, hadaba xeerbeegsiga gacanta ku haysay dacwadaan soo qaadatay waqtiga dheer ayaa meesha ka saaray eedayntii loo haystay Cadnaan Sayid maanta oo Talaada ah,Cadnaan ayaa ku eedaysnaay inuu gaystay dilka Hae sannadkii 1999-kii dacwdaan ayaa ah mid taxana ah isla markaasne leh qoraalo taxana ah. Emily Witty oo ah haweeneyda afhayeenka u ah garyaqaanka guud ee gobolka Marayland ee dalkaasi Maraykanka ayaa Email ku sheegtay in xafiiskeeda uu meesha ka saaray dacwadii loo haystay Cadnaan Sayed waxa ayna Witty intaas raacisay in xafiiskeedu uu soo saaro doono faahfaahin ku saabsan go’aanka maxamada gaartay maanta oo Talaada ah waqti dambe.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

ALTAF AXMED SHAH OO XABSI KU GEERIYOODAY.

Next
Next

NIN JIRDIL KA GAYSTAY LIBEIRYA OO LA….