ALTAF AXMED SHAH OO XABSI KU GEERIYOODAY.
KISHMIIR.
(KISHMIIR)-Altaf Axmed Shah oo ah siyaasi caan ka ah dhulka Kashmiir eey Hindiya maamusho,Shah ayaa muddo toban sano ah waxa uu u dagaalamayey sidii eey Kishmiir u heli lahayd xuriyadeeda waxaane Shah xirtay xukuumadda Hindiya oo waxa uu xabsiga dalka Hindiya ku jiray muddo dhan shan sano ugu dambayntiina Shah ayaa waxa uu ku dhex geriyooday xabsigii uu ku jiray ee dalka Hindiya isagoo da’adiisu tahay lixdan(60)-jir sidaas waxaa laga soo xigtay ehelka Altaf Axmed Shah maanta oo Talaada ah. Shah ayaa ah qofkii seddexaad kana soo jeedo gobolka Kashmiir kuna dhex dhintay xabsiyadda Hindiya afartii sano ee la soo dhaafay. Ghulam Muxamed Bhat oo lixdan iyo shan(65)-jir ah waxa uu ku geereiyooday xabsiyadda dalka Hindiya sannadkii 2019-kii,Maxamed Ashraf Sehrai oo 77-jir ah ayaa ku dhex geeriyooday xabsiyadda dalka Hindiya waxa uuna u dhintay COVID-19 sannadkii 2021-kii.
ISHA WARKA AP.