BOQORKA MAROOKO OO AAN KA QEYBGELI…..

BOQORKA MAROOKO MAXAMED-KA LIXAAD.

(RABAT)-Dalka Marooko ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in Boqorka dalkaasi Marooko Maxamed-ka Lixaad uusan ka qeybgeli doonin fadhiga Madaxda Wadamadda Carabta ee Xubnaha ka ah Jaamicadda Carabta kiisii 31-aad kana dhici doono dalka Aljeeriya ee deriska la ah dalka Marooko inta u dhexeeyso 1/11/22 ilaa 2/11/22-ka,fadhigaan ayaa horay waxaa uga cudur daartay dhaxal sugaha dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan. Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Marooko Naasir Boorita ayaanan bixin wax sabab ah kuna saabasan baaqashada Boqorka Marooko Maxamed-ka Lixaad,shirkaan oo socon doono muddo laba maalmood ah ayaanan laga fileyn ineey ka soo baxaan waxyaabo dan u ah wadamada Carabta oo hadda ku kala qeybsan arrimaha xiriirka Israel.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

SAFAARADDA RUUSHKA EE MOLDOVA OO ALBAABADA…

Next
Next

KALFADHIGA BAARLAMAANKA JFS OO…