SAFAARADDA RUUSHKA EE MOLDOVA OO ALBAABADA…
CALANKA DALKA MOLDOVA.
(ISTANBUL)-Dalka Moldova ayaa shaaca ka qaaday maanta oo Isniin ah in dhammaan shaqaalaha ka hawgala safaaradda Ruushka ee dalkaasi uuna ku jiro safiirka yihiin kuwa aan looga baahnayn dalka Moldova ka dib markii gentaal laga soo riday dalka Ruushka eyna soo rideen ciidamadda difaac hawada ee dalka Yukrayn uu ku dhacay tuulo ku taalo xuduudka dalka Moldova waqti hore oo maanta ah. “Safiirka Ruushka u fadhiyo dalka Moldova ayaa waxaa looga yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Moldova subixii hore ee maanta waxaane lagu wargeliyey in siyaasiyiinta safaaradda Ruushka ee Moldova yihiin kuwa aan loo baahneyn” sidaas waxaa bartiisa Twitter-ka ku qoray Wasiirka Arrimaha Dibadda Moldova Nicu Popescu.
ISHA WARKA AA.